Shirkadaha dayuuradaha oo soo wada fii cusub
28. dec. 2009 12:07Soomaali
Shandaddii dheeraad ah ee dayuuradda la saaro, waxa laga bixinayaa fii.
Aqlabiyaddu ma rabaan mamnuucista masaajidda
28. dec. 2009 10:20Soomaali
Dadka badidiisu waxay taageersan yihiin xaqa muslimiintu u leeyihiin, inay masaajiddo ka dhistaan Danmark.
Wadaadadu ma rabaan kala saarista diinta iyo dawladda
28. dec. 2009 09:53Soomaali
Wadaadada kiniisadda dadwaynuhu waxay rabaan inay ku milmaan dawladda.
Dhaawacu waa inay ambalaaska sugaan
28. dec. 2009 09:11Soomaali
Nin 83 jir ah ayaa oktoobar saacado sugayay ambalaas, ka dib markuu ku hoos cawarmay gurigiisa. Shan cisho ka dib ayuu ku geeriyooday cusbataalka.
Dumar looga shakiyay argagixiso
23. dec. 2009 12:17Soomaali
Marku dhammaaday uun shirwaynihii cimiladu ayay bilaysku argagixiso uga shakiyeen, laba dumar ahi inay argagixiso ku samaynayaan raisal madaxwaynaha Israail, Shimon Peres, oo dabadeed la xidhay labadii dumar ahaa.
23. dec. 2009 10:59Soomaali
Habeenka kirismasku waa ka ugu wanaagsan ee tuugtu xaddo guryaha, waayo ilaa kala badh guryaha waa laga maqan yahay.
23. dec. 2009 10:42Soomaali
Ka dib olole malaayiin ku baxeen oo siddeedii sano ee ugu danbeeyay lagu qorayay ciidammo, ayaa gaashaandhiggu aanay ku guulaysan, inay soo jiitaan dadka asalkoodu ajinebiga yahay.
23. dec. 2009 09:55Soomaali
Carruurta waalidka aan waxba qaban waa in lagu qasbo xarumaha xannaanada iyo abaydinka, halkay guriga kala joogi lahaayeen waalidkood.
Mucaaradka oo 89 kursi helaya
22. dec. 2009 11:21Soomaali
Mucaaradka ayaa shan kursi hore u kacay, oo awoodda dawladda la wareegi lahaa, haddii berri doorasho dhici lahayd.
Milyanno tallaalkii H1N1 oo aan la isticmaalin
22. dec. 2009 11:03Soomaali
Xiisaha loo qabay tallaalkii hargabka A (H1N1) ayaa xoog uga yar sidii la filayay. Ilaa 380.000 keli ayaa laga isticmaalay 3,1 milyankii la soo iibiyay
Waa caamays duqadda dukaamadu
22. dec. 2009 10:37Soomaali
Baakidhkii kasta ee hilibka duqadda ah waxa ku jira hilib kale, oo aan ahayn ka baakidhka ku dul qoran.
Dad badan oo kirismiska laga eryayo shaqada
22. dec. 2009 09:43Soomaali
Shirkadaha deenishku waxay digniin ku siiyeen, inay boqolkiiba 50 dad ka badan ay shaqada ka eryayaan ilaa diisanbar marka loo eego bishii hore.
Hoggaamintii Løkkes ee shirka cimilada
21. dec. 2009 11:34Soomaali
Dadka deenishka ahi way ku qaybsameen qiimaynta, in guddoomintii shirka cimilada ee wasiirka dawladda Lars Løkke Rasmussen fiicnayd iyo inay xumayd.
Nin baa loo qabtay toogashadii Kobanheegan
21. dec. 2009 11:32Soomaali
Bilayska Kobanheegan ayaa isniintii xidhay goobaha u dhow Forum ee Frederiksberg ee Kobanheegan, halkaas oo dhawr xabbadood laga riday.
Carruur badan oo ku dhalata bacrimin
21. dec. 2009 11:30Soomaali
Ugu yaraan 5.000 oo carruurta deenishka ah ayaa sannad walba ku dhalata kilinigyada bacriminta, tiraduna way sii kordhaysaa
Qiimaha korontada Shiilland oo korodhay
21. dec. 2009 09:38Soomaali
Waxa laga yaabaa, in si aan caadi ahayn qiimuhu ugu kordho macmiisha korontada ee shiilland
USA iyo Shiinaha ayaa gaar u kulmaya
18. dec. 2009 11:58Soomaali
Madaxwaynaha maraykanka, Barack Obama, iyo raisal wasaaraha Shiinaha, Wen Jiabo, ayaa kulan gaar ah jimcaha ku yeelanaya xarunta shirwaynaha cimilada ee COP15.
Isku afgaradka qoraalkii heshiiska cimilada
18. dec. 2009 10:59Soomaali
Ergo ka qayb gashay kulan kooban oo ka dhacay Bella Center ayaa isla meel dhigtay qoraalkii heshiiska cimilada, oo wada koobaya mawduucyada lagaga wada xaajooday shirwaynaha cimilada.
18. dec. 2009 10:19Soomaali
Wasiirka gaashaandhigga Søren Gade ayaa khamiistii si rasmi ah uga qaybgalay xidhitaanka kaamkii deenishka ee Olaf Rye ee Kosovo.
18. dec. 2009 09:38Soomaali
Saddex firfircoone ayaa xalay ku soo dhex dhuuntay xafladdii cashosharafta ee boqoraddu ku samaysay qasriga Christiansborg.
17. dec. 2009 12:34Soomaali
Ergayga shiinaha uga qaybgelaya wada hadallada Su Wei oo si feejigan u la socda wada xaajoodka.
17. dec. 2009 11:05Soomaali
Xoog ayuu dadwaynuhu u taageeray xeerarka rebshadaha ee dawladda, oo bilayska siinaya fursado fiican oo ay kaga hor tagaan rebshedaha jidadka.
17. dec. 2009 10:40Soomaali
Tirade dadka muddada dheer shaqada la' ayaa min bishii febarweri ay ku soo kordheen 8.000, oo ku dhowaaday sebtambar 25.000.
17. dec. 2009 09:45Soomaali
Cusbataallada gobolka caasimadda ayaa sannadkan galay khasaare dhan 300 milyan oo koron.
16. dec. 2009 12:06Soomaali
Mudaharaadka maanta waxa la filayaa, inay ka soo qaybgalaan 5.000 ilaa 10.000 oo qof. Waxana loogu magacdaray "Reclaim the streets".
16. dec. 2009 11:13Soomaali
Guryaha ku dhow goobaha iskuraranta ah waxa lagu iibiyaa qiime boqolkiiba 10 lacag ka yar guryaha u dhigma ee meelaha kale ah, xaaladaha adagna waxa qiimuhu gaadhaa boqolkiiba 30.
16. dec. 2009 09:37Soomaali
Waxa weli adag in caasimadda agagaarkeeda laga helo dhakhtarro.
16. dec. 2009 09:04Soomaali
Qolalka qalliinka iyo nalalka luuqyada ayaa qaata koronto badan cusbataallada deenishka.
210 loo xidhay rebshedihii Christiania
15. dec. 2009 11:56Soomaali
Ilaa 210 firfircoone ayaa la xidhay, oo iyagoo taxan la fadhiisiyay jidka Pusherstreet, ka hor intii aan loo taxaabin xabsiga cimilada ee Retortvej ee Valby ku yaal.
15. dec. 2009 10:27Soomaali
Lykke Friis ayaa shir jaraaid ku sheegtay, marka la eego dadaalada cusub, in Danmark jiho sax ah u socoto.
15. dec. 2009 09:37Soomaali
Xisbiyada V iyo DF ayaa ku baaqay in xuduud da'eed loo sameeyo iibsiga kiniinada madaxwareerka, sida Panodil.
15. dec. 2009 09:19Soomaali
Sannadkii hore waxa guryahoodii laga saaray, oo debedda ku soo dhacay 3762 qof oo deenish ah.
14. dec. 2009 11:41Soomaali
Bilaysku xalay ayay faaruqiyiin xabsigii cimilada ee Retortvej ee Valby , oo ay ku jireen siddeedii mudaharaade , ee shalay laga soo xidhay Østerbro.
14. dec. 2009 10:59Soomaali
Arbacada waxa la filayaa 60 madaxda dawladaha dunida ahi, inay ka soo degaan Kobanheegan.
14. dec. 2009 09:52Soomaali
Dheenishka maanraaca ah, oo badi raba inay maalgelin cagaaran sameeyaan, ayay lacagtoodu ku gebagebaysantaa shirkadaha, intay madow yihiin ka badan tahay intay cagaaran yihiin.
14. dec. 2009 09:24Soomaali
Dong oo faraha kala baxday qorshayaasha mashruucii wershedda dhuxul-dhagaxda ku shaqaysa ee Jarmalka.
Muddo dheer oo shaqada la sugo Danmark
11. dec. 2009 11:18Soomaali
Ajinebiga waxbarashada sare leh oo hadda ilaa lix bilood ay ku qaadato in loo oggolaado, inay shaqo ka raajiciyaan Danmark, inkastoo dawladdu ugu ballanqaaday, inay kiisaskooda ku dhammayso muddo bil gudaheed ah.
11. dec. 2009 10:38Soomaali
Danmark waa inay xuduudaha u furtaa qaar ka mid ah qaxootiga, ay noloshoodii baabiiyeen abaaraha, daadadka iyo dhibaatooyinka kale ee cinmileed
Carruurta qaxootiga waa inaan la xidhin
11. dec. 2009 09:43Soomaali
Waa la joojiyay in carruurta aan waalidkood la socon ee magangelyo doonka ah la xidho, inta kiiskooda la wado.
Wasiir: Soomaaliga deenishka ah ayaa goobta ku qarxay
11. dec. 2009 09:25Soomaali
Dilka dhakhtarrada, oo ah kuwo uu aad loogu baahan yahay dalka dagaalku baabi'iyay, waxa judhii horeba lagu eedeeyay kooxda mucaaradka ah ee Al-shabab
Shantiiba afar baa doortay taarikada EU-da
10. dec. 2009 12:02Soomaali
Dadka baabuurta leh shantiiba afar baa ka door biday taarikada EU-da ta caadiga ah ee dheenishka.
Sii akhri
Danmark oo ku lid ah xoriyadda Tibet
10. dec. 2009 11:17Soomaali
Xalay ayay goaamiyeen guddida arrimaha debedda ee Baarlamanku, in Danmark ka soo hor jeeddo goonni isutaagga Tibet
Sii akhri
Dhallinyarada macallimiinta ahi waa heer sare
10. dec. 2009 10:50Soomaali
Inkastoo qofku markaas uun soo qalinjebiyay, waxa laga yaabaa inuu macallin ka noqdo dugsi hoose/dhexe.
Sii akhri
Baaderiyo ku lid ah allabari cimileed
10. dec. 2009 09:34Soomaali
In ku dhow boqolkiiba 70 gobollada kiniisaddu ma doonayaan dhiirrigelinta ka timi baaderiyada, ee la xidhiidha in dawanka kiniisadda loo yeedhiyo allabari cimileed oo lagu qabto kiniisadda kobanheegan ee kathedaraaliga ah.
Sii akhri
Carruurta ajinebigu oo xoog lagu qaado
9. dec. 2009 11:52Soomaali
Boqolkiiba 80 carruurta la qaado Kobanheegan waa carruur asalkoodu ka soo jeedo ajinebi - Turki, Lubnaan iyo Soomaali.
Dawada hargabka oo laga shakisan yahay waxtarkeeda
9. dec. 2009 10:58Soomaali
Borofisar Nick Freemantle: Ma aannu helin wax caddaynaya, in dawada Tamiflu wax tarayso.
Dhokumentigu wuu wiiqayaa heshiiska cimilada
9. dec. 2009 09:37Soomaali
Warka deenishka ka liigay ee la xidhiidha heshiiska cimiladu wuxu halis gelinayaa, in natiijooyin guul leh laga gaadho shirwaynaha cimilada ee Kobanheegan
Shirwaynaha Kobanheegan waa bandhigga miidhiyaha ugu wayn dunida
8. dec. 2009 11:37Soomaali
Dadka bologyada wax ku qora, kuwa twitter-ka isticmaala iyo 5000 weriye oo 180 dal oo dunida ah ka yimi ayaa ka hawlgelaya shirwaynaha cimilada ee Kobanheegan, oo ah shebekadda miidhiyaha ee ugu wayn dunida
S: Garantiiga dawladda ee hadyadaha kirismiska
8. dec. 2009 10:33Soomaali
Xisbiga Sooshal dimuqraadiga ayaa soo jeediyay, in dawladdu xilqaaddo in dadka saboolka ahi helaan hadyado lagu caawiyo kirismiska.
Kiisaska cashuuraha oo tuulan bilayska
8. dec. 2009 09:43Soomaali
Kiisas aad u badan oo cashuuraha ah ayaa tuulan oo ku boodhaystay xarumaha bilayska
Boqortooyada oo qado sharaf ku casuumaysa ergada shirwaynaha cimilada
8. dec. 2009 09:20Soomaali
Qoyska boqortooyadu waxay qado sharaf ku casuumayaan in ku dhow 100 madaxda sare ee dawlaha ka soo qaybgelay shirwaynaha QM ee cimilada ee dalka ka dhacaya.
Ajinebiga oo hawlgab qaadan kara
7. dec. 2009 10:41Soomaali
Qaxootiga iyo doolku waxay mustaqbalka dib ugu laaban karaan dalkoodii, iyagoo dhaqaale fiican lagu jicsimay, oo sidoo kale la siinayo lacagtii caydha sida hawlgabka waqtiga ka horreeya inta noloshooda ka hadhtay
Deenishka: Haa, awoodda nukliyarka
7. dec. 2009 09:12Soomaali
Dad badan oo deenishku ka mid yahay ayaa qaba, in hoggaamiyayaasha dunidu dhiirigelinayaan awoodda atomigga, si loo dhimo kaarboonka CO2
Wargays carbeed: Danmark oo cod u qaadaysa mamnuucista minaaradaha
4. dec. 2009 11:26Soomaali
Wasaaradda arrimaha debedda oo ku dadaalaysa, inay saxdo qalad uu qoray wargayska carbeed ee Gulf Times, oo sheegaya in Danmark cod u qaadayso mamnuucista minaaradaha masaajidda muslimiinta.
Koobigii geeska dahabka ah oo laga helay Ruushka
4. dec. 2009 10:51Soomaali
Nin raadraaca hadhaaga taariikhiga ah ayaa helay koobi ka da' wayn 300 sano oo geeskii dahabka ahaa ee dheeraa ah - oo laga sameeyay fool maroodi.
Nin jarmal ah oo loo qabtay hanjabaad bam
4. dec. 2009 09:52Soomaali
Marka madaarka wax la jeeg garaynayo, lama odhan karo "bam" - xataa kaftanna u dheh oo.
Magdhow la siiyo rakaabka dayuuraduhu ka habsaamaan
4. dec. 2009 09:19Soomaali
Maxkamadda EU-da ayaa shirkadaha dayuuradaha saartay magdhow, hadday habsaamaan wax ka badan saddex saacadood.
Ardayda ajinebigu waa inay Danmark ka shaqeeyaan
3. dec. 2009 11:51Soomaali
Ardayda ajinebigu waxay bilaash wax kaga baran karaan Danmark, haddii ay ballanqaadaan inay ka shaqeeyaan Danmark, markay waxbarashada dhammeeyaan.
Rag badan oo noqonaya macallimiin
3. dec. 2009 10:17Soomaali
Afartii sano ee ugu danbaysay rag tiro yar baa soo dalbaday waxbarashada macallinnimada, laakiin sannadkan xagga kale ayay isu beddeshay, oo raggu si yar si yar bay ugu soo laabanayaan kuliyadda macallimiinta.
Tahawwur oo xabsiga ku sii jiraya
3. dec. 2009 09:32Soomaali
Ganacsadaha Bakistaaniga/ Maraykanka ah, ee ku xidhan Chicago, oo lagu tuhunsan yahay argagixiso ku lid ah wargayska Jyllandsposten laguma sii daynayo damiin, sida qareenkiisu dalbaday.
Liisaska sugitaanka ee cusbatallada oo qalad ka buuxo
3. dec. 2009 09:05Soomaali
Muddada sugitaanka, ee laamaha cusbatalladu ku soo qoraan bogga www.venteinfo.dk , badi sax maaha.
Danmark way ka soo baxaysaa Sudan
2. dec. 2009 10:40Soomaali
Xafiiska deenishka ee Sudan waa la xidhayaa, ka dib markii argagixin loogu hanjebey.
Dad badan baa tegaya kiniisadda habeenka Kirismiska
2. dec. 2009 10:27Soomaali
Kayuuga kiniisadaha deenishka hortoodu aad buu u dheeraanayaa habeenka kirismaska.
Dadka waxbarashada sare leh ka jooji Danmark
2. dec. 2009 10:15Soomaali
Ajinebiga waxbarashada sare leh oo lagu adkaynayo, inay shaqo ka helaan Danmark
Qofka waallan meelbaa lagu tuuraa
1. dec. 2009 10:27Soomaali
kala badh kiisaska xunxun waa la baajin kari lahaa, haddii tallaabooyinka wada hadalka lala yeesho dadka maskaxda wax ka qaba la hagaajin lahaa.
Kommuunaha Syddjurs oo yeeshay badhasaab SF ah
1. dec. 2009 09:38Soomaali
Xisbiyada burjuwaasiga ah ayaa si dadban uga caawiyayKiristine Bille, inay badhasaab ka noqoto dawladda hoose ee Syddjurs, si ay u dhisto isbahaysi ballaadhan, oo ay qayb ka yihiin.
Rag hagoogan oo la baxsaday maxbuus
1. dec. 2009 09:12Soomaali
Nin 29 jir ah oo laga soo kaxeeyay xabsiga dawladda ee Nyborg ayaa toban nin oo koofiyado ku hagoogani mashquuliyeen ciidankii waday, oo ka baxsaday cuasbataalka Bispebjerg Hospital.
Mamnuucista minaaraddu waxay Danmark ka abuuri kartaa cadho
30. nov. 2009 12:20Soomaali
Xisbiga dadwaynaha dheenishku middi ayuu ku dul soconayaa, hadday ku daydaan Iswisarland si ay halkan uga mamnuucaan minaaradaha masaajidda.
Dumarka deenishka oo ugu badan kuwa kansarka u dhintaan
30. nov. 2009 10:57Soomaali
Danmark dhab ahaan waa dalka Yurub ugu badan ee dumarku u dhintaan cudurka kansarka.
Markhaatiyo qarsoon baa baandada dabaya
30. nov. 2009 10:28Soomaali
Markhaatiyo qarsoon baa xubnaha baandooyinka dembiilayaasha ah iyo rookayaasha u dareerinaya xabsiga, sidaas awgeed waa in xoog loo fududaydiyo markhaatifurka qarsoon.
Xuduudda habsami u socodka shirwaynaha
30. nov. 2009 09:29Soomaali
Labada dhisme ee ergada shirwaynaha cimilada badideedu isticmaali doonaan, waxa la dhimayaa tirade CO2.
Shaqaalaha dawladdu way ka cadhoodeen cashuurta maltimiidhiyaha
27. nov. 2009 11:28Soomaali
Ururka shaqaalaha dawladda, FOA, ayaa naqdiyay cashuurta maltimiidhiyaha, oo dhab ahaan la dhaqangelinayo 1da Janaweri.
Wasiirku waa u diyaar jaamacado gaar ah
27. nov. 2009 10:45Soomaali
Wasiika waxbarashada sare: Ardayda jaamacaduhu waa inay helaan fursad ay ku dooran karaan jaamacad gaar loo leeyahay.
La arkee hadda qiimaha korontada oo taban
27. nov. 2009 10:10Soomaali
Laga bilaabo isniinta waxay shirkadaha korontada lacagtu ku bilaabmaysaa markay maayadda soo geliyaan shebekadda laydhka.
Cusbatalka wayn oo barobixinaya cusbatallo kale
27. nov. 2009 09:20Soomaali
Cusbatalka wayni wuxu dhab ahaan keenayaa, in ugu yaraan saddex magaalo waayaan cusbataalladoodii yaryaraa.
Bukaanka nuguli waa inay Tamiflu u qaataan hargabka A
26. nov. 2009 10:48Soomaali
Prof. Jens Lundgren: Dawada Tamiflu si fiican ayay u shaqaynaysaa, haddii dawada la qaato 24ka saacadood ee ugu horreeya ee astaamuha Hargabka A (H1N1) soo baxaan.
Tobankii sano ee cimiladu ugu deggenayd
26. nov. 2009 09:47Soomaali
Marar ayay dabaylo ka dhaceen Danmark. Laakiin muddo dheer ayay hadda cimiladu deggenayd.
Xeerarka rebshadaha oo albaabka u furaya mustaafurin
26. nov. 2009 09:17Soomaali
Xeerarka rebshadaha oo la filayo in maanta khamiista la ansixiyaa, waxay sannadka dhammaadkiisa si wayn u horseedi doonaan, in la mustaafuriyo dadka dhalashadoodu aanay ahayn deenish - intay doonaan dalka ha deggenaadaane.
Obama oo Kobanheegan imanaya diisanbar
26. nov. 2009 09:03Soomaali
Saraakiisha aqalka cad ee maraykamka ayaa wakaaladaha wararka u sheegay, in madaxwayne Obama ka qaybgelayo shirwaynaha cimilada ee Kobanheegan ka dhacaya diisanbar.
Mudaharaadayaasha la qabto oo la is dul tuulayo
25. nov. 2009 11:26Soomaali
Hoolasha ciyaaraha iyo geerashyada oo lagu xereeyo, iyo seelooyin midkiiba laba la geliyo, ayay noqonaysaa xaaladda mudaharaadayaasha la qabto, intu socdo shirwaynaha cimilada ee diisanbar ka dhici doona Kobanheegan.
Nacaybka Yuhuudda oo ku badan ajinebiga
25. nov. 2009 10:31Soomaali
Ka shakiga iyo fogaynta Yuhuuddu, Danmark maaha arrin ku kooban keli ah kooxaha xag jirka ah.
Saddexdiiba komishanka midi waa haween
25. nov. 2009 10:01Soomaali
Saamiga haweenka ee komishanka cusubi wuu ka badan yahay kii hore.
Xafiisyada safarka oo liqliqanaya
25. nov. 2009 09:19Soomaali
Xafiisyada tikidhada safarka ee dheenishka waxa culays ka saaran yahay xiisadda dhaqaalaha iyo siyaabaha casriga ah ee loo goosto tikidhada safarka.
Shirwayne kale oo cimileed
24. nov. 2009 11:39Soomaali
Ergada ku wada xaajoonaysa Bella Center way ka durugsan yihiin dhibaatooyinka cimilada, siday qabaan ururrda cimiladu. Sidaas awgeed waxay DGI-Byen ku martiqaadeen 6.000 oo beeralay, kalluumaysato iyo Ngo-yo kale ah - laakiin dhibaatooyinkiisa ayuu leeyahay.
Hedegaard oo noqonaysa komishanka EU-da
24. nov. 2009 10:18Soomaali
Sida laga soo xigtay warka TV 2, hadda waa xaqiiq in wasiirka cimilada iyo tamarta Connie Hedegaard noqonayso komishanka EU-da.
Mærsk oo oggolaaday tabaha maafiyada
24. nov. 2009 09:56Soomaali
Mærsk oo lagu eedeeyay, inuu oggolaaday tabaha qalafsan ee maafiyada.
USA waa u diyaar yool sugan oo cimileed
24. nov. 2009 09:18Soomaali
Dawladda maraykanku waxay rabtaa, ka hor shirwaynaha cimilada ee bisha danbe ka dhacaya Kobanheegan, inay soo saarto yool la xidhiidha, inta laga dhimayo xaddiga naqaska hawada lagu sii daayo.
Ajinebigu wax badan kama oga Hargabka A
23. nov. 2009 11:28Soomaali
Ajinebiga qalabixinta ku liitaa wax badan kala ma socdaan hargabka A, dhaktarraduna waxay taas ku tilmaameen dhibaato.
Hodanimadii Danmark oo hoos u hoobatay
23. nov. 2009 10:40Soomaali
Danmark xoog ayay hoos uga hoobatay liiska dalalka dunida ugu hodansan.
Hedegaard oo loo magacaabay komishinka EU-da
23. nov. 2009 09:48Soomaali
Wasiirka cimilada (K) Connie Hedegaard ayaa ku guulaysatay jagada komishanka cimilada ee EU-da.
Ummusha soo degdegtaa hooyada way dhibtaa
23. nov. 2009 09:18Soomaali
Hawl badan buu waalidku mutaa, haddii ilmuhu xoog ugu soo horreeya waqtigiisa, sidaas waxa muujiyay baadhitaan deenishku sameeyay.
Mugabe oo Kobanheegan imanaya
20. nov. 2009 11:24Soomaali
Inkastoo madaxwayne Zimbabwe Robert Mugabe iyo xubno badan oo xisbigiisa ah laga mamnuucay, inay soo galaan dalalka ururka yurub (EU), haddana wuu ka soo qaybgelayaa shirwaynaha Kobanheegan.
Carruurta qaxootiga ah oo la xidho
20. nov. 2009 10:46Soomaali
Tiro badan oo carruurta qaxootiga ah, ee Danmark yimaadda kelidood, iyagoo aan waalid la socon ayaa xabsi ku danbeeya.
Xiisaddii dhaqaale oo si xun u haleeshay Danmark
19. nov. 2009 11:48Soomaali
Xiisaddii dhaqaale ayaa xoog u haleeshay baananka deenishka marka loo eego baananka dalalka kale.
Khasaaraha cimilada waa la buunbuuniyaa
19. nov. 2009 10:41Soomaali
Khasaaraha cimiladu keentaa waa qayb aad u yar lacagaha ay shirkadaha caymisku magdhabaan.
Qasriga Rosenholm oo qaybi duntay
19. nov. 2009 10:02Soomaali
Iyadoo dib loo hagaajiyay sannad ka hor uun, dhismayaashii qasriga Rosenholm mid ka mid ah ayaa dabayshii dumisay.
Danmark oo 3-1 kaga badisay USA
19. nov. 2009 09:32Soomaali
Johan Absalonsen ayaa goolkii kowaad ee deenishka dhaliyay ciyaarta qaybteedii danbe 10kii miridh ee ugu horreeyay.
Frank Jensen waa badhasaabka sare ee cusub
18. nov. 2009 11:45Soomaali
Garabka cas ee xisbiyada Sooshal dimuqraadiga, SF, Enhedsliiska iyo Radikaalka ayaa guud ahaan xejistay shan ka mid ah toddobada agaasime ee Kobanheegan.
Wammen oo ku guulaystay Aarhus
18. nov. 2009 10:25Soomaali
Badhasaabka Sooshal dimuqraadiga ah ee NiKolai Wammen ayaa doorashadii dawladaha hoose dib ugu guulaystay jagadiisii Aarhus.
SF oo si wayn ugu guulaystay Aalborg
18. nov. 2009 09:57Soomaali
Aalborg weli waa hantiwadaag. Xisbiga SF ayaa si wayn hore ugu kacay doorashadii dawladaha hoose.
Samuelsen oo hoggaaminaya LA
18. nov. 2009 09:24Soomaali
Hoggaamiyaha xisbiga Gaashaanbuurta Libaraalka ah ayaa weli ah Anders Samuelsen, ka dib marku codadka doorashadii dawaladda hoose ee Horsens ka helay boqolkiiba 4,1
Bukaan tebaya hawo fiican iyo socod
17. nov. 2009 10:58Soomaali
Dadka bukaanka ah ee asaasaqay ama qaba cudurka faaligga ayaan helin socod iyo hawo fiican oo ku filan.
Saddexdiiba guriba mid baa ka cawda sanqadh
17. nov. 2009 09:47Soomaali
Saddexdii guriba mid baa ka cawda sanqadha gaadiidka, oo ka badan xadka sanqadha deegaanka caadiga ah
500.000 oo codbixiye oo weli goaan gaadhin
17. nov. 2009 09:25Soomaali
Codbixiyayaal badan baa goaanqaata miridhada ugu danbeeya, sidaas awgeed xisbiyada iyo musharrixiintu waxay culays wayn saaraan saacadaha ugu danbeeya.
Cidda ka danbaysa goaanka tallaalka
16. nov. 2009 11:14Soomaali
Badi baadhayaasha WHO kala taliyay xaaladda hargabka, waxa iibsaday shirkadaha tallaalka sameeyay.
Hawada waskhaysan oo waxyeello gaadhsiisa DNA-da uurjiifka
16. nov. 2009 10:40Soomaali
Ilmaha uurka ku jira waxyeello ayaa ka soo gaadhi karta wasakhda gaadiidku hawada ku sii daayo.
Deenish dheeraad ah oo xoojinaya qalabixinta
13. nov. 2009 11:36Soomaali
Carruurta deenishka cusub waa in lagu caawiyo mantarro qysaska loo sameeyo, lataliyaha dhallinyarada iyo deenish dheeraad ah oo lagu daro jadwalka dugsiga. Kuwaasi waa mashruucyo ay hadda wadaan dhawr kommuune.
18 tahriibe oo lagu qabtay xadka
13. nov. 2009 10:34Soomaali
Tiro aan ka yarayn 18 tahriibe ayaa laanta kantaroolka shisheeyaha ee bilaysku ku qabatay xadka habeen hore iyo xalay.
USA u ma diyaar aha shirka cimilada
13. nov. 2009 10:11Soomaali
Maraykanku wuxu ka fikirayaa, inuu beddelo istiraatijiyadda ka hor shirwaynaha cimilada ee Kobanheegan, oo heshiis kumeelgaadh ah la qaato.
Barafkii Giriinland oo xoog u dhalaalaya
13. nov. 2009 09:35Soomaali
Sannad kasta waxa la waayaa 273 bilyan oo tan oo baraf ah, oo marka barafkaasi dhalaalana waxa kor u kacaya heerka biyaha badaha dunida.
Deeqda la siiyo dugsiyada gaarka ah: Cali oo ka lacag badan Anna
12. nov. 2009 13:23Soomaali
Deeqda la siiyo dugsiyada gaarka ahi waa inay ku xidhnaato ardayda uu ka kooban yahay, waxa sidaas qaba kala badh dadka dheenishka ah, ee ka jawaabay baadhitaan ay samaysay Gallup. Deeqdu way badanaysaa, marka ardayda fasalku ka yimaaddeen guryaha doolka ama guryaha dadka cidhiidhi bulsheed haysto.
Wasiirku ma mamnuucayo mishiinnada cadceedsiga
12. nov. 2009 13:17Soomaali
Dalalka kale ee noordigga ayaa soo jeediyay, in laga mamnuuco dhallinta ka yar 18 sano adeegsiga mishiinnada lagu cadceedsado. Wasiirka caafimaadka Jakob Axel Nielsen ayaa qaba, inay masuuliyaddooda tahay.
Politiken oo shaqaalayn doona Ciraaqiyiinta la diiday
12. nov. 2009 12:53Soomaali
Wargeyska Politiken ayaa shaqaalayn doona ciraaqiyiinta sharciga loo diiday. Arrintan waxa lagu meelmarinayaa Xarunta Ciraaq ee cusub.Lacagtaasi waxay ka imanaysaa lacag laga ururiyo dadka ay ka midka yihiin akhristayaasha wargeysku.
Dowladda iyo DF oo ku heshiiyay sharciga cusub ee maaliyadda
12. nov. 2009 10:38Soomaali
Waxa soo socda maalgelinno muuqda, iyada oo isla markaasna la dhowrayo oo hore loo marinayo barwaaqosooranka, waxa sidaa ku dhawaaqay wasiirka maaliyadda.
Merkel oo imanaysa shirwaynaha cimilada
11. nov. 2009 11:30Soomaali
Jaansilarka Jarmalka, Angela Merkel, ayaa caddaysay, inay iyadu shakhsiyan imanayso shirwaynaha Kobanheegan.
S iyo DF waxay rabaan in carruurta la tallaalo
11. nov. 2009 10:16Soomaali
Iyadoo carruurta Noorway, Iswidhan, Ingiriiska iyo Jarmalka laga tallaaly durayga A - haddii waalidkoodu rabo, ayaan weli carruurta deenishka loogu deeqin tallaalkaas.
Shaqaalaha ajinebigu waa heer sare
11. nov. 2009 09:47Soomaali
saaxiibadooda deenishka ah iyo dadka waayeelka ahiba way ku faraxsan yihiin shaqaalaha Jarmalka iyo Iswidhishka ah ee guryaha dhexdooda ku caawiya waayeelka.
Carruurtii magangelyodoonka oo ka raystay kaamkii
11. nov. 2009 09:20Soomaali
Ururka Laanqayrta cas ayaa soo jeediyay, in carruurtu ugu badnaan kaamka hal sano deggenaadaan.
Ciraaq waxba ma yeelin qaxootigii la mustaafuriyay
10. nov. 2009 10:54Soomaali
Muddo ka badan laba bilood dabadeed, markii 22 ciraaqi qasab dayuurad loogu mustaafuriyay Baqdaad 2dii sebtambar, ma jiraan warar sheegaya, in ciraaqiyiintii la celiyay wax la yeelay ama la jidh dilay.
Obama xoog buu u rogrogayaa imaanshaha Kobanheegan
10. nov. 2009 10:33Soomaali
Haddii madaxwaynaha maraykanka, Barack obama, u arko in imaanshihiisa Kobanheegan wax ku soo kordhinayo shirwaynaha cimilada ee diisanbar, markaas wuu imanayaa.
Waa in la magacaabo maalin ciidamadu soo noqonayaan
10. nov. 2009 09:56Soomaali
Aqlabiyadda deenishka ayaa qabta, in la magacaabo maalinta ciidamada deenishku ka soo laabanayaan Afqaanistaan, oo dalka ku soo noqonayaan.
Shaqaalaha barigu waxay deenishka bartaan xilliga firaaqada
10. nov. 2009 09:35Soomaali
Marka shaqadu dhammaato, ayaa tiro aad u badan oo shaqaalaha bariga ahi tagaan dugsiyada afka si ay u bartaan dheenishka
DRC oo soo dhawaysay heshiiska
9. nov. 2009 11:18Soomaali
Boqolkiiba 10-15 dadka ajinebiga ah, ee iskood ugu noqda dalkoodii, way ka noqdaan goaankaas, oo dib ayay u soo laabtaan, sababo nabadgelyo ama waxbarashada carruurtooda dartood.
Wasaaradda dhaqanka Iiraan oo eegaysa kiiska ninka deenishka ah
9. nov. 2009 10:36Soomaali
Wasaaradda dhaqanka ee Iiraan ayaa baadhaysa waraaqaha Niels Krogsgård. Hadduu haystay oggolaanshaha shaqeed ee looga baahan yahay, waa la sii daynayaa.
Shirkadaha deenishka oo wajahay xiisadda
9. nov. 2009 10:03Soomaali
Shirkadaha waaweayn ee deenishka sida Carlsberg, macaash badan ayay heleen, iyadoo xiisadda dhaqaale jirto.
Waa la mamnuucayaa shiishadda
9. nov. 2009 09:36Soomaali
Aqlabiyadda baarlamanka ayaa rabta in la mamnuuco tubaakada khudradda leh ee la qabatimay, oo ay xoog u isticmaalaan dhallinyaradu.
Waxay dhakhtarrada siinayaan gunnada daacadnimada
6. nov. 2009 11:23Soomaali
Gobolladu waxay siin doonaan dhakhtarro gaar ah 100.000 koron sannadkii, oo lagu magacaabo gunnada daacadnimada.
Danmark oo lacag badan siinaysaa Afqaanistaan
6. nov. 2009 10:39Soomaali
140 milyan oo korone ayay Danmark ku caawinaysaa malaayiinka qaxootiga ah ee ku soo laabtay dalka iyo barakacayaasha gudaha.
Da' yar uun baa ku shashaban xiisadaha baandada
6. nov. 2009 10:16Soomaali
Bilaysku wuxu xiisadaha baandada u qabqabtaa carruur da'doodu yar tahay uun.
Hjørring oo qiratay qaladka kiiska qofka is dilay
6. nov. 2009 09:40Soomaali
Dawladda hoose ee Hjørring ayaa qiratay, inay qalad ku leeyihiin kiiska inantii 14 jirka ahayd, ee is dishay 12kii oktoobar.
Waalidka ka walaacsan durayga H1N1 oo cusbataallada xoog u wacaya
5. nov. 2009 11:08Soomaali
Waalid xoog uga walaacsan duray A, H1N1, ayaa tilfoonno xidhiidhsan u soo diraya qaybta carruurta ee cusbataallada.
Dadkii muddada dheer xanuunka sheeganayay oo yaraaday
5. nov. 2009 10:23Soomaali
Ka dib sannado badan, oo tirada dadka muddo dheer xanuun shaqada kaga maqnaadaa kor u kacaysay, ayay hadda hoos u dhacday tirade dadka dheenishka ah ee muddo dheer xanuun ku maqnaadaa.
SAS oo khasaartay in ka badan bilyan iyo badh
5. nov. 2009 09:54Soomaali
Shirkadda culayska wayni haysto ayaa soo bandhigtay xisaabxidhkii sagaalka bilood ee ugu horreeyay sannadka. Taas oo muujinaysa khasaare dhan 1643 milyan oo koronka Iswidhan ah.
Jarmalka ayaa Danmark ka saari kara xiisadda dhaqaale
5. nov. 2009 09:20Soomaali
Jarmalka ayaa u muuqda saldhigga ugu wayn ee xoogga dhaqaalaha, ee Yurub iyo Danmark ka saari kara xiisadda dhaqaale
Ciraaqiyiin la mustaafuriyay oo laga dhoofiyay Roskilde
4. nov. 2009 11:13Soomaali
12 ciraaqi oo sharciga magangelyada loo diiday ayaa saaka subaxnimadii hore laga mustaafuriyay Danmark. Xalay oo dhan ururka Kirkeasyl ayaa isku deyayay inay hakiyaan mustaafurinta.
Kulubbo ayaa loogu ballanqaaday dhallinta Gellerup
4. nov. 2009 10:51Soomaali
Badi musharrixiinta golaha deegaanka ee Århus ayaa ugu ballanqaaday dhallinyarada rebshadwalaaysha ah waxyaabo badan oo la qabto xilliga firaaqada.
Shirkii xorriyatulqawlka oo la joojiyay
4. nov. 2009 10:24Soomaali
Shirkii Naser Khader ee la xidhiidhay xorriyatulqawlka, kana soo hor jeeday xagjirnimada, ee ay ahayd in jiilaalkan la qabto, ayaa la joojiyay. Dadkii Naser Khader xisbiga kula jiray markaasi may sii wadin fikraddaas.
Qoysas badan baa debedda loo qubay
3. nov. 2009 09:54Soomaali
Weligeed hore u may dhicin dheenish sidan u tiro badan oo guryahooda uga guura, inay bixin kari waayeen kiradii guriga, sida dhacday tobankii bilood ee ugu horreeyay sannadka.
Obama oo shaki geliyay heshiis cimileed
3. nov. 2009 09:04Soomaali
Lama hubo in heshiis cimileed lagu gaadhi karo shirwaynaha Kobanheegan. Obama wuxu qabaa, in dhibaatooyinku ka waynaan karaan, in heshiis la gaadho diisanbar.
Toddobadiiba mid baan jeclayn gurmadka
2. nov. 2009 10:47Soomaali
Toddobadiiba mid baan jeclayn inuu galo gurmadka qasabka ah, sidaas awgeed wuxu isku dayaa inuu khiyaameeyo maritaanka caafimaadka.
Waayeelkii oo guryihii ku qudhmeen
2. nov. 2009 09:58Soomaali
Waayeel badan baa qolalkooda fadhiga iyo xamaamadoodu ka sufur iyo wasakh badan yihiin siday ahaayeen dhawr sano ka hor. Taasi waxay ka danbaysay markii in ka badan saddexdii kommuuneba mid adkeeyay caawimooyinkii guriga loogu qaban jiray waayeelka.
Deenish badan baa raba cashuur kordhin
2. nov. 2009 09:18Soomaali
Boqolkii 30 ayaa raba, inay bixiyaan cashuur dheeraad ah oo dawladda hoose ah si ay u helaan adeeg fiican, sidaas waxa muujiyay baadhitaan.
Danmark oo EU-du maxkamad gaynayso
30. okt. 2009 12:14Soomaali
Maqnaanshaha kormeerka deegaanka ee shirkadaha waawayn iyo beeralaydu wuxu Danmark ku kacayaa in looga yeedho maxkamadda ururka Yurub.
EU waxay Tjek siisay tixgelin gaar ah
30. okt. 2009 10:19Soomaali
Hoggaamiyayaasha ururka Yurub (EU) ayaa isku waafaqay xal loogu oggolaanayo dalka Tjek waxyaabo khaas ah oo la xidhiidha xuquuqda dadwaynaha
Xoog looga biqi maayo argagixisada
30. okt. 2009 09:45Soomaali
Tahawuur Hussain Rana waxa darrato la soo hor joojiyay maxkamadda, iyadoo lagu eedeeyay qorshayaal argagxiiso oo lagu weerarayo Danmark. Dheenishku laakiin xoog uga biqi maayaan argagixso.
JP ma hayn yoolka kowaad ee argagixisada
30. okt. 2009 09:25Soomaali
Ninka argagixisada lagu tuhunsan yahay ee Dave Headley ayaa farriin ka helay kooxda argagixisada ah ee Lashgar-e-Taiba, si uu culayska u saaro qorshaha weeraro kaloo Indiya ah, halku Danmark ka weerari lahaa.
Lacagtii baandadu may gaadhin bilayska
29. okt. 2009 11:10Soomaali
Qaybaha bilaysku may helin 50kii milyan ee koron, ee baarlamanku sanndkii 2008 u qorsheeyay dadaalada dheeraadka ah, ee lagaga hor tegayo denbiyada baandooyinka.
Qorshaha argagixisada khibradi kama muuqato
29. okt. 2009 10:10Soomaali
Wax badan kumay qaadan FBI-du, inay daaha ka rogaan qorshayaashii argagixiseed ee lidka ku ahaa wargayska Jyllands-Posten, kaasoo laba nin oo lagu eedeeyay ugu xidhan yihiin magaalada Chicago ee maraykanka.
Hedegaard waxay tegaysaa Bruxelles
29. okt. 2009 09:42Soomaali
Wasiirka cimilada Connie Hedegaard ma imanayso baarlamanka berrito, inkastoo ay ahayd, inay hoolka baarlamanka soo hor dhigto xeer cusub.
Dheenishka la xukumo lama soo dhiibayo
29. okt. 2009 09:23Soomaali
Dawlad goboleedka maraykanka ee Florida soo dhiibi mayso qof dheenish ah, oo xabsi loogu xukumay dil aan u kas ahayn oo la xidhiidha shil baabuur. Dawladdaasi waa tii dheenishku u dhiibay Camilla Broe.
PET oo raadinaysa dheenish xidhiidh la leh
28. okt. 2009 11:37Soomaali
PET-du waxay baadhayaan dadka laga yaabo, inay xidhiidh la lahaayeen labada nin ee maraykanka loogu qabtay, inay wadeen qorshe argagixiseed oo ku lid ah wargayska Jyllands-posten.
DF oo adkaynaya xeerka argagixisada
28. okt. 2009 10:56Soomaali
Xisbiga dadwaynaha dheenisha (DF) ayaa raba, in nabadsugidda bilaysku soo diyaariyaan warbixin la xidhiidha dadka argagixisada loo qabtay, xisbiyada sooshal dimuqraadiga iyo libaraalka ayaa taageeray talo soojeedintaas.
Ciraaq oo haddana yeelanaysa awood nukliyar
28. okt. 2009 10:33Soomaali
Wargayska ingiriiska laga leeyahay ee The guardian ayaa qoray, in dawladda Ciraaq ku talojirto inay dib u yeelato awood nukliyar, oo ay dhismaheeda ka caawiyaan wershedaha nikliyarka ee Faransiiska.
Nin argagixiso lagu tuhmay oo raba in dammaanad lagu sii daayo
28. okt. 2009 09:50Soomaali
In ka badan 100 FBI ah ayaa baadhay Rana, inkastoo lix qof oo keli ahi ka shaqaynayeen dukaankiisa.
Dugsiyada h/dh looma bogin
27. okt. 2009 10:53Soomaali
Wejiyo faraxsan lama siin dugsiyada hoose/dhexe ee dheenishka. boqolkiiba 53 dugsiyadii ay sannadkan soo mareen kormeerka shaqadu, waxa laga la kulmay deegaan shaqeed oo aan loo bogin. Sidaas waxa muujiyay tirooyinka kormeerka shaqada uu helay DR Nyheder.
Ra'yiuruin: Baandadu way ku wada jiraan
27. okt. 2009 10:03Soomaali
Tobankiiba toddoba ayaa qaba, in baandooyinka ajinebiga iyo rookayaashu u siman yihiin xiisadda
Rugkutubeedyadii oo la xidhay
27. okt. 2009 09:51Soomaali
Si dhaqaalaha loo tashiilo ayay dawladaha hoose muddo afar sannadood ah ku xidheen ilaa 200 oo rugkutubeedyadii dalka ah.
Dawladaha hoose oo mamnuucaya sigaar cabis oo dhan
27. okt. 2009 09:10Soomaali
Ururka dawladaha hoose ee dalka ayaa ku talinaya, in laga mamnuuco cabidda sigaarka meelaha ay ka mid yihiin dugsiyada - hadday tahay debed iyo gudaba.
Tikidhada safarka oo netka laga goosto
26. okt. 2009 10:21Soomaali
Dadka intarnetka isticmaalaa waxay gaar ahaan u jecel yihiin, inay ka iibsadaan tikidhada elektaroonigga ah ee dayuuradaha iyo tareemada netka.
Wax badan laga ma qaban faraxumaynta carruurta
26. okt. 2009 09:46Soomaali
Danmark dadaal fiican kama samayso, si ay carruurta uga ilaaliso in la faraxumeeyo, iyadoo ka duwan ingiriiska iyo Jarmalka oo sameeyay khad daaran (hot line) oo lagu guulaystay, kaas oo la soo wici karo, inta aan denbiga la fulin.
180% kale oo shaqo la'aa muddo dheer
26. okt. 2009 09:12Soomaali
Muddo sannad gudihii ah tirada dadka shaqada la'aa in ka badan saddex bilood, waxay kor u kacday boqolkiiba 180.
400 mil. oo baaskiillayda dalka ah
23. okt. 2009 11:33Soomaali
Markay siyaasiyiinta tooda noqoto, baaskiilayaashu sannadaha soo socda way ka dhex muuqanayaan gaadiidka
Carruurta waa in laga ilaaliyo kimikalka
23. okt. 2009 10:33Soomaali
Waalidka carruurta yaryari waa inuu si fiican uga ilaaliyaa carruurtooda yaryar kimikaliska iyo maadddadaha hormoonnada khalkhaliya.
Baandooyinku xubno badan ayay heleen
23. okt. 2009 09:50Soomaali
Xubno cusub ayaa si joogto ah ugu soo qulqulaya kulubbada rookaha iyo baandooyinka ajinebiga.
Aan koronto badan isticmaalno habeenkii
23. okt. 2009 09:14Soomaali
Dheenishku waxay aad u isticmaalaan korontada dharaartii, markaasna waa qaali, deegaankana u ma fiicna, waxa digniintan soo jeediyay shirkadaha korontada.
Oprah xoog bay dheenishka ugu ammaantay tv-ga
22. okt. 2009 11:35Soomaali
Danmark xoog baa loogu sacabiyay barnaamijka ugu wanaagsan TV-ga maraykanka ee Oprah Winfrey, Ka dib markay xiddigaha tv-ga iyo barnaamijyada hadalku ka warrameen safarkoodii Danmark, ee wiigag ka hor.
Dadwaynuhu xoog ayay u cabanayaan
22. okt. 2009 11:29Soomaali
Dadwaynuhu si ka wayn sidii la filayay ayay uga cabanayaan adeegga dawladda. Inkastoo adeeggu dhinmay boqolkiiba 36 keli ah, haddana dadwaynaha boqolkiiba konton ayaa qaba, inay helaan adeegyo xun.
Xarumo dharaareed oo isku dhex jira
22. okt. 2009 09:40Soomaali
Xannaanooyinka iyo xarumaha abaydinka ayaa si wayn looga dhigayaa xarumo dharaareed oo isku dhex jira.
18kii la toogtay oo u dhintay dhaawicii
22. okt. 2009 09:07Soomaali
Ninkii 18 jirka ahaa, ee habeenimadii sabtida lagu toogtay goobta Lindevangsparken ee Frederiksberg, ayaa ku dhintay cusbatalka Rigshospitalet goor danbe oo habeenimadii arbacada ah.
Xorriyadda saxaafaddu way sarraysaa ISkandaneefiyanka
21. okt. 2009 11:18Soomaali
Dalalka Iskandaneefiyanku xagga sare ayay kaga jiraan liiska dalalka ee xorriyadda saxaafadda. Shiinuhu wuxu kaga jiraa kaalin ka hoosaysa Ciraaq iyo Afqaanistaan. Waxana ugu wada hooseeya Eritrea.
Dhakhtarradii kansarka ee iswidhishka oo DK degay
21. okt. 2009 10:22Soomaali
Aqoonyahannadii takhasuska lahaa ee Malmø, ee dawayn karayay noocyada kansarka daran, ayaa u guuray Danmark.
Hilib qaldan baa ku jira baakidhada
21. okt. 2009 09:43Soomaali
Hilibka duqadda ah ee tallaajadaha dukaamada waawayn yaal waxa laga yaabaa inay ku jirto dux aan xaddigeeda la garanayn. Waxa kaloo duqadda ku jira hilbo xayawaan kale, oo aan ahayn ka ku qoran baakidhka.
Duullimaad cusub oo Kobanheagan iyo New York ah
21. okt. 2009 09:07Soomaali
Kobanheegan waxa ka baxaya duullimaad toos ah ilaa madaarka JFK ee New York.
Bilayska oo caawimo raba kiiska Hellerup
20. okt. 2009 11:38Soomaali
Bilayska woqooyiga Shiilland ayaa baahiyay, in laga caawiyo siday u heli lahaayeen rasaasayntii xalay, qof aan ilaa hadda la aqoonsani, daaqadda maqaaxi sushida laga cuno ka soo toogtay rooke HA ah, oo ay daanka kaga dhacday.
Kiniinka is caataynta oo loo iibsado sida roodhida
20. okt. 2009 10:36Soomaali
Xiiso daran baa loo qabaa, in kiilooyada siyaadada ah la iska rido, taasoo bishii may cirka marisay iibsiga kiniinka la isku caateeyo Alli, isla markuu suuqa soo galayba.
Kulanku wuxu kordhiyay fursadda heshiis cimileed
20. okt. 2009 10:11Soomaali
Wasiirka deegaanka Ingiriiska ayaa ka dib kulan laba cisho ka socday London si digtooni leh cod yididiileed ugu dhawaaqay, kulanku wuxu kordhiyay fursadda heshiis cimileed.
Doorashadu ma jecla dhallinta
20. okt. 2009 09:17Soomaali
Dhallinyaradu xiiso wayn u ma hayaan doorashada dawlaha hoose ee noofambar. Boqolkiiba 31 dadka da'doodu u dhaxayso 18-29 ayaa yaqaan, cidda u sharraxan badhasaabka dawladdooda hoose
Giddi xaq baa loo leeyahay mudaharaad
19. okt. 2009 11:06Soomaali
Wasiirka caddaaladda Brian Mikkelsen ayaa maanta soo jeedinaya xeer, bilayska fursad u siinaya inay xadhig yar ku qabtaan kuwa ku mudaharaadaya shirwaynaha cimilada ee foodda innagu soo hayo
Waxaynnu rabnaa taarikada cusub ee EU-da
19. okt. 2009 10:30Soomaali
Saddexdii dheenish ahba laba, ayaa doortay taarikada cusub ee EU-da.
Wasiirka deegaanka oo ku hanjabtay inay xilka tirinayso
19. okt. 2009 09:57Soomaali
Wasiirka deegaanka Connie Hedegaard ayaa xoog uga cadhootay in debedda la dhigay, dawladdana ugu hanjabtay inay xilka tirinayso.
Dhallinta shantiiba mid baan waxbarasho qaadan
19. okt. 2009 09:24Soomaali
Dhallinyaro badan baan u gudbin dugsiga sare iyo dugsiga farsamada gacanta midna.
Wasiirka deegaanka: Wax qasani ma jiraan
16. okt. 2009 11:09Soomaali
Wax kastaa waa sidii la filayay, sidaas ayay tidhi wasiirka deegaanku, markay wadashatiga ugu tegaysay guddida deegaanka.
Google oo helay macaash badan
16. okt. 2009 10:43Soomaali
Xisaabxidhka mishiinka intarnetka baadha ee google ayaa saddexbiloodka 2009ka muujinaysa macaashkii ugu sarreeyay. Xiisaddii dhaqaale waannu ka soo gdudubnay, ayuu yidhi agaasimaha Google Eric Schmidt.
Karzai wuxu helay boqolkiiba 47 keli ah
16. okt. 2009 10:09Soomaali
Madaxwayne Karzai ma helin cododkii uu guulaysan lahaa madaxwaynenimada Afqaanistaan wareeggii kowaad, sidaas waxa qoray wargayska Washington Post.
Kansarka malawadka waa in dhakhso loo daweeyo
16. okt. 2009 09:35Soomaali
Baadhitaan uu sameeyay cusbatalka Aarhus ayaa muujinaysa, in boqolkiiba 69 fursadda bogsigu sarrayso, haddii dawaynta la bilaabo 60 cisho ee ugu horreeya kansarka malawadka.
Cilmibaadhayaasha: cidhifka woqooyi bilaa baraf buu noqonayaa 10 sano
15. okt. 2009 11:45Soomaali
Toban sano gudahood cidhifka woqooyi wuxu gebi ahaan noqonayaa bilaa baraf xagaagii, sidaas waxa sheegay mid ka mid ah horyaallada baadhayaasha cidhifka woqooyi.
Dabdamiska oo halis ugu jira ganaax gurmadka degdegga ah
15. okt. 2009 10:41Soomaali
Mid ka mid ah shaqaalaha dabdamiska Aarhus ayaa la ganaaxay, kilibna lagaga dhuftay liisanka, ka dib marku shil galay, isagoo gurmad degdeg ah ku hawllan. Hadda wasiirka ayaa kiiska dib u eegaya.
Woqooyiga Kuuriya oo ku hanjabtay dagaal badeed
15. okt. 2009 09:59Soomaali
Dawladda woqooyiga Kuuriya ayaa ku eedaysay koonfurta Kuuriya, inay maraakiib dagaal u soo direen biyaha koonfurta Kuuriya, oo ah dhinaca galbeed ee jasiirad dhuleedka Kuuriya.
Amagerbanken oo ku dhow in la badbaadiyo
15. okt. 2009 09:32Soomaali
Mid ka mid macmiisha ugu wayn Baanka Amagerbanken, oo la yidhaahdo Finansgruppen, ayaa sheegay inay baanka ka taageeraan ballaadhinta saamiyadiisa. Lacag badanna way hayaan.
Qaxoonti badan baa Danmark soo galay
14. okt. 2009 11:03Soomaali
Waxa Danmark soo galay qaxooti ku labanlaabmaya, intii soo gashay 2006dii. Sababtu waxa weeye xiisadaha Ciraaq iyo Afqaanistaan, badi qaxootigaasina xaq ayay u leeyihiin in sharci la siiyo.
Boqolkiiba 33 ayaa raba tamarta nukliyarka
14. okt. 2009 10:35Soomaali
Shilkii Sharnoobil waa laga soo gudbay: saddexdii dheenish ahba mid baa qaba, in tamarta nukliyarku ka mid noqoto noocyada tamarta aynnu samaysanaynno.
Dheenishkii oo lacagta ku xidhay baananka
14. okt. 2009 10:23Soomaali
Dheenishku way joojiyeen maalgashigii inta xiisadda dhaqaale socoto. Si aan hore loo arkin ayay lacagtii ugu xidheen baananka, iyadoo dulsaarkuna xoog u hooseeyo.
Connie Hedegaard way u eexanaysaa Becker
14. okt. 2009 09:06Soomaali
Wasiirka deegaanka Connie Hedegaard (K) ayaan faraha kula sii jirayn kiiska xiisadda wayn ka dhaliyay wasaaradda ee is casilaadda agaasimihii wadaxaajoodka Thomas Beckers.
Dhakhtarrada oo jebiyay heshiiskii gobollada
13. okt. 2009 11:28Soomaali
Bogagga intarnetka ee dhkhtarrada way kooban tahay muddada ay bukaanka la kulmaan iyo inta dhibaato ee bukaanku ka hadli karo.
Macallimiintu waa inay indhaha ku hayaan xagjirnimada dhallinyarada
13. okt. 2009 10:19Soomaali
Dawladda hoose ee Kobanheegan ayaa samaysay mashruuc tijaabo ah, oo lagu tababarayo macallimiinta iyo barbaariyayaashu, si ay indhaha ugu hayaan xagjirnimada dhallinyarada.
DF: Shiinuhu wuxu adeegsanayaa tabihii Nazi-ga
13. okt. 2009 09:55Soomaali
Xisbiga dadwaynaha dheenishka ayaa ka xun siyaasadda arrimaha debedda ee dalka Shiinaha, Sidaas awgeed wuxu rabaa, in aan la ammaanaysiin taallada gabaraymaanyada sannadka danbe, oo sida qorshaysnayd lagu soo bandhigi lahaa carwada sannadka danbe ee Shanghai.
Shaqaalaha dabdamiska oo shaqada uga taga ciil dartii
12. okt. 2009 11:44Soomaali
Shaqaalaha dabdamiska ayaa dhagxan lagu shiidaa , markay is yidhaahdaan dab bakhtiiya habeenkii.
Beeralayda baradhada oo qiimaha kicinaysa
12. okt. 2009 10:23Soomaali
Baradhadii waxay ku qudhmaysaa beeraha, halka qiimaheediina kor u kacay. Beeralaydii baradhaduna ogaan ayay u yareeyeen baradhada suuqa soo gelaysa.
Shiinuhu wuu ka aargoostay kulankii Løkke ee Dalalai
12. okt. 2009 09:26Soomaali
Taniyo May markii Lars Løkke la kulmay Dalai Lama, dalka Shiinuhu wuu qaboojiyay xidhiidhkii Danmark. Taas dhibaatadeedu waxay ku dhacday ganacsigii dheenishka iyo wasiiraddii booqashada u tegi lahaa.
Dheenisku waxba kama qaban karaan dilkii dhegta ee Pakistan
9. okt. 2009 11:49Soomaali
Ma jiro kiis Danmark lagaga oogi karo ninkii qabay gabadha bakistaaniyadda ah, ee qoyskiisu ku dileen Bakistaan.
Hub badan baa fillooyinka lagu haystaa
9. okt. 2009 11:02Soomaali
Dadka leh fillooyinku sidii hore si ka badan ayay guryahooda uga difaacaan tuugta iyo budhcadda guryaha jabsata - qaar badan oo ka mid ahina waxay isku hubeeyaan budhadh iyo filfisha indhaha lagu buufiyo.
Filimkii Al Jazeera ma noqon bam wayn
9. okt. 2009 10:27Soomaali
Filimkii Al Jazeerah ee Danmark ku saabsanaa wuxu ahaa mid ka dheellitiran sidii laga baqanayay. Waxa lagu waraystay baandooyin kala duwan, siyaasiyiin, bilays, magangelyodoon iyo doolka caadiga ah.
Talo loo soo jeedinayo kuwa cashuuraha khiyaameeyay
9. okt. 2009 09:33Soomaali
Wasiirka cashuuraha Kristian Jensen ayaa baadhaysa hab kuwa khiyaameeyay cashuurta, ee hanti qarsaday, ciqaabta loogu fududayn karo, hadday sheegaan waxay khiyaameeyeen.
Wasaaradda Arrimaha dibadda oo la soconaysa filimka Al Jazeera
8. okt. 2009 11:28Soomaali
Marka tv-ga Al Jazeera caawa soo daynayo filimka dhokumentariga ah ee naqdiyaya Danmark, wasaaradda arrimaha debeddu indhaha ayay ku haynaysaa. Safaaradaha dheenishka ee debedduna dadka dheenishka ah ayay la talin doonaan, haddii filimku rebshado alooso.
S: Birta qoobku ma xallili karto dhibaatooyinka bulsheed
8. okt. 2009 10:12Soomaali
Marka ilmo 12 jir ahi xeerka jebiyo, badi waxa keenay dhibaatooyin bulsheed, birta qoobkuna ma xallili karto, ayay qabtaa afhayeenka arrimaha bulshada ee Sooshalka Mette Fredriksen (S).
S: Way ka yaabeen wararka ka soo baxaya buugga jægerbog
8. okt. 2009 09:18Soomaali
Xisbiga Sooshalku waxay qabaan, inay ahayd in siyaasiyiintu ogaadaan, in askar badan oo ciidamada ahi rabeen, in la soo saaro buugga jægerbog.
Xeerka 24 jirku dib buu u dhigay guurkii
7. okt. 2009 11:56Soomaali
Muddo badan ayay qaadataa, inay is guursadaan dhallinyarada asalkoodu ka soo jeedo qolyaha laga tirada badan yahay. Taas waxa keenay xeerka 24 jirka, sidu muujiyay baadhitaan.
Birta qoobku waa fikrad gudhan
7. okt. 2009 10:56Soomaali
12 jirku wuxu u baahan yahay qof wayn oo uu kala xidhiidho dhibaatooyinkiisa ee u ma baahna birta qoobka, ayay yidhaahdeen sooshalka, oo naqdiyaya talo dawladdu soo jeedisay.
Jooji imtixaanka luqadda ee carruurta 3 jirka ah oo dhan
6. okt. 2009 11:53Soomaali
Dawladdu waxay aqoonsatay, in imtixaanka qasabka ah ee carruurta saddex jirka ah oo dhammi waqti qaadanayo. Hadda waxa la imtixaamayaa uun carruurta jilicsan iyo kuwa aan xannaanooyin soo marin.
Dheenishka: Søren Gade waa inuu joogaa
6. okt. 2009 10:53Soomaali
Aqlabiyad badan oo dheenish ah ayaa qabta, in Søren Gade sii ahaado wasiirka gaashaandhigga - inkastoo fadeexaddii buugga 'jægerbogs' weli meesha taal.
Siyaasiyiintu waxay rabaan awoodda maamulka difaaca
5. okt. 2009 11:43Soomaali
Siyaasiyiintu waxay qabaan, in awoodda taliska difaaca la soo wareejiyo. - Gaashaandhigga waa inay maamulaan siyaasiyiintu - oo aanu isagu kelidii is maamulin, sidaasi waxay ka soo yeedhay Niels Helveg.
QM oo oggolaaday askarta dheenishka ee Lubnaan
5. okt. 2009 09:58Soomaali
QM ayaa oggolaaday deeqdii Danmark ku yaboohday 140 askari oo ka mid noqda ciidamada nabad ilaalinta QM ee koonfurta Lubnaan (Unifil).
K: da'da la isku ciqaabo ha laga dhigo 14
5. okt. 2009 09:33Soomaali
Xisbiyada V iyo K iyo DF ayaa ka shiraya, in sannad hoos loo celiyo da'da la isku ciqaabo. Waalli ayay ku tilmaameen afhayeennada xeerka ee xisbiyada S iyo SF.
Obama oo soo cadadhigtay ciidda dheenishka
2. okt. 2009 11:05Soomaali
Dayuuraddii madaxwaynaha maraykanka Barack Obama ayaa soo cagodhigatay kobanheegan, halkaas uu booqasho gaaban ku soo gaadhay si uu u raadeeyo xubnaha guddida olombiga caalamiga, oo maanta u codaynaya magaalada lagu qaban doono ciyaaraha 2016.
Shirkii IOC-da oo ku furmay Obera
2. okt. 2009 11:03Soomaali
Guddoomiyaha IOC-da Jacques Rogge ayaa xusay badmaaxa dheenishka ah Paul Elvstrøm, khudbaddii furitaanka rasmiga ah ee shirka IOC-da ee Oberaha.
Taliyaha qaybta ayaa kaalin wayn ka qaatay
2. okt. 2009 09:41Soomaali
Taliyaha qaybta ayaa wasiirka gaashaandhigga Søren Gade ku dhiirigeliyay, inuu weriyayaasha u sheego "tarjumadda carabida ah" ee buugga.
Codbixinta dadwaynaha dheenisha ee EU-da oo soo dhawaatay
2. okt. 2009 09:19Soomaali
Maanta waxay codbixiyayaasha Irishku u dareerayaan, inay haa iyo maya mid uun yidhaahdaan heshiiskii Lissabon. Hadday haa u codeeyaan, taasi waxay soo dedejinaysaa codbixin dadwayne oo dheenishku u qaadaan waxyaabihii ay ka gaabsadeen.
Løkke oo lagu cadaadinayo codbixin dadawayne oo loo qaado EU-da
1. okt. 2009 10:58Soomaali
Haddii codbixiyayaasha Irishku jimcaha u codeeyaan haa, heshiiska EU-da ee Lissabon, waa in wasiirka dawladda Lars Løkke Rasmussen si cad ugu dhawaaqaa codbixin dadwaynaha dheenishka looga qaado waxyaabaha dheenishku ka gaabsaday EU-da. Sidaas waxa raba Radikaalka iyo SF.
Maalintii galaangalka ugu wayn ee goaanka IOC-da
1. okt. 2009 10:04Soomaali
Xiddigo iyo marwooyin kowaad - sida Oprah Winfrey iyo Michelle Obama - ayaa culays wayn saaraya xubnaha IOC-du, magaalada ay u codayn doonaan.
Danmark oo hoobatay heerkii hodanimada
1. okt. 2009 10:02Soomaali
10 ka sano ee soo socda Danmark waa la dhaafayaa xagga hodanimada dalalka Ururka Yurub (EU). Finland, Iswidhan iyo Ingiriiska ayaa dhaafaya.
Wasiirka oo raba in la kantaroolo hilibka dhacay
1. okt. 2009 09:06Soomaali
Hilibka waxa loo sameeyaa leebal cusub iyo taariikh cusub - dabadeed khaanadaha tallaajadaha ayaa dib loo soo dhigaa.
Denbiyada yaryar oo fududaanaya muddada shirwaynaha
30. sep. 2009 11:32Soomaali
Tuugta guryaha jabsata ayay u fududaanaysaa diisanbar, marka qaybaha bilayska loo soo dareeriyo shirwaynaha cimilada ee Kobanheegan.
Askarta dheenishka oo firdhiso haystay
30. sep. 2009 10:55Soomaali
Markii ugu horraysayba askar dheenish ah ayaa laga soo celiyay dagaalka Afqaanistaan, waayo sida laga soo xigtay gaashaandhigga, waxay haysteen rasaas, aan loo adeegsan karin dagaalka.
Xiisadda buugga Jægerbog oo weli socota
30. sep. 2009 09:41Soomaali
Taliyaha ciidamada ayaa laga rabaa caddayn la xidhiidha halka laga helay iyo sida loo helay tarjumadda carabida ah ee buuggii Thomas Rathsack 'Jæger - i krig med eliten'
Aqlabiyad rabta in la joojo caddaynta shebbednimada
30. sep. 2009 08:53Soomaali
Aqlabiyadda baarlamaanka ayaa rabta in la joojiyo, in dhakhtarradu sameeyaan xaashida caddaynta shebbednimada (jomfruer).
Hawlgabka kelida ah oo isticmaal yar
29. sep. 2009 11:11Soomaali
Hawlgabka kelidii ah ayaa dawladda ka hela dakhli ka badan hawlgabka xaaska ah. Hawlgabka xaaska ah ayaana ka qarash badan.
Booqashada Obama oo dareerinaysa bilayska
29. sep. 2009 10:36Soomaali
Bilaysku waxay ka cabsanayaan, shirka IOC-da, ee Obama ka soo qaybgelayo iyo shirwaynaha cimilada ee Kobanheegan ka dhacayaa, markay fasax galaan askartii shaqada siyaadada ah qabanaysay, inay qaybaha bilayska dalka ciidan yari ka dhacdo 2010. Taliyaha bilaysku sidaas lama qabo.
Oprah oo tv ka samaynaysa Danmark
29. sep. 2009 08:57Soomaali
Socodsiiyaha maraykanka ah ee barnaamijyada hadalka ah, Oprah Winfrey, ayaa samaynaysa borogaraam tv oo nusasaace ah oo ka hadlaya Danmark, intay halkan u joogto shirka IOC-da.
Shaqaalaha balaastigga oo carruur dhali waaya
28. sep. 2009 11:52Soomaali
Dumarka ka shaqeeya wershedaha balaastigga, waxa laga yaabaa inay ku adkaato, inay uuraystaan marka loo eego dumarka kale.
Danmark oo xoog loo xayaysiin doono
28. sep. 2009 11:10Soomaali
Weriyayaasha dunida oo dhan baa xayaysiin doona Danmark, markay tebinayaan shirka IOC-da.
Dawladaha hoose oo ragcaya jidadka
28. sep. 2009 10:47Soomaali
Dawladaha hoose ayaa hoos u dayay jidadkii, oo doortay inay ragcaan uun.
Muddada sugitaanka ambalaaska oo dheer
28. sep. 2009 10:04Soomaali
Kowda sebtambar dib u habayn baa lagu samaynayaa diyaar garawga ambalaasyada ee shilalaka iyo dhibaatooyinka agagaarka caasimadda.
Dadaalada ehliyadda waa la hilmaamay
28. sep. 2009 09:13Soomaali
Culays wayn ayay qabaan, ehliyadda dadka waawayn ee hawlaha guriga dhexdiisa ka caawiya waayeelka. Taasoo si wayn oo taban u saamaysa shaqada iyo noloshooda gaarka ahba. Sidaas waxa muujiyay baadhitaan uu sameeyay ururka waayeelku.
Gaashaandhigga ayaa ka danbeeyay baahinta tarjumadda carabida ah
25. sep. 2009 12:01Soomaali
Taliyaha gaashaandhigga ayaa maalintii oo dhan lahaa, ma ogin wax tarjumad ah, laakiin hadda warka TV2-ga ayaa daaha ka rogay, in gaashaandhiggu ka danbeeyeen wararka soo baxay ee sheegaya in buugga oo carabi ku tarjuban la faafiyay.
Thorning oo iska fogaysay Kjærsgaard
25. sep. 2009 10:54Soomaali
Helle Thorning-Schmidt ayaa hadda sheegtay, in xisbiga DF aanu wax saamayn ah ku yeean doonin siyaasadda, hadday noqoto wasiirka dawladda.
Cashuuraha oo albaabo badan garaacaya
25. sep. 2009 10:09Soomaali
Baacsigii waynaa ee la daba dhigtay kuwa khiyaameeya cashuurta, ayaa guulo waawayn laga gaadhay.
Lars Løkke oo martiqaaday Medvedev
24. sep. 2009 11:46Soomaali
Toddoba sano oo xiisad siyaasadeed ah oo dhex yiil Danmark iyo Ruushka oo soo gebagebaysmay. Wasiirka dawladda ayaa madaxwaynaha Ruushka ku martiqaaday booqasho rasmi ah sannadka danbe.
Kiisaskii magdhowga dib ha loo furo
24. sep. 2009 11:10Soomaali
Aqlabiyad siyaasadeed ayaa rabta, in kiisaskii magdhowga ee dadka loo diiday, dib loo wada furo. Dawladduna bixiso qarashka.
Magangelyo doon woqooyiga Kuuriya ah
24. sep. 2009 10:14Soomaali
Koox u dhalatay woqooyiga Kuuriya ayaa safaaradda dheenishka ee Hanoi u gashay magangelyo raadin.
Monoboolkii DSB-da oo la sii dheereeyay
24. sep. 2009 09:59Soomaali
Labada shirkadood ee Arriva iyo DI, oo tartan kula jira DSB, ayaa qaba in dib u dhigga tartanka hawlaha tareennadu ka gudo ballaadho, sidu u qaabeeyay wasiirka gaadiidku.
Rooke muddo dheer la xidhay
24. sep. 2009 09:05Soomaali
Rooke xubin ka ah HA iyo laba ku cusub rookanimada ayaa lagu xukumay xabsi sagaal sano ah, is rasaasayntii McDonaldska Århus darteed. Kii rasaasta riday, oo ku markhaati furay kuwa kale, waxa la xidhay toddoba sano.
Qaylodhaan ka timi cashuuraha
23. sep. 2009 12:09Soomaali
Xafiiska cashuuraha ee dheenishku ma kantarooli karo ilaa 50.000 ajinebi ah, oo ka shaqeeya Danmark.
Dhimista qarashka carruurta dhibaataysan
23. sep. 2009 11:02Soomaali
Guddoomiyaha ururka gobollada (KL) Erik Fabrin, ayaa dawladaha hoose u qoray, inay dhimaan qarashyada ku baxaya daryeelka carruurta dhibaataysan.
Shaqaalaha cusub iyo ajinebiga ayaa meelaha halista ah ka shaqaeeya
23. sep. 2009 09:53Soomaali
Agaasinka shaqada ayaa kormeeray 232 goobood oo dhisme ka socdy. Saddexdiiba laba xaaladdood ma ahayn sidii la rabay. Shaqaalaha cusub iyo ajinebigana meelo halis ah ayaa la geeyay.
Quusayaashii may helin Casper
23. sep. 2009 09:16Soomaali
Quusayaasha bilaysku waxay xalay baadheen saddex haro si ay u helaan wiilka 16 jirka ah ee la waayay Casper Sørensen, laakiin wax raad ah may helin.
Wiil lala baxsaday oo dib soo celiyay
22. sep. 2009 11:41Soomaali
Shaqaalaha dawladda hoose ee Odense ayaa wiiggii hore Sudan ka soo celiyay wiil saddex jir ah, oo uu la baxsaday aabbihii.
Mantar caawiya dhallinyarada denbi gala
22. sep. 2009 10:55Soomaali
Dhallinyarada denbiyada galaa waxay u baahan yihiin mantar, ka caawiya samaysiga nolol cusub, markay ciqaabtooda soo dhammaystaan, sidaas waxa soo jeediyay guddida dhallinyarada.
Lacag loo guray qaxootiga ciraaqiyiinta
22. sep. 2009 09:55Soomaali
Farshaxanka Bjørn Nørgaard ayaa ka mid ahaa dadkii ka soo qaybgalay ololihii 'xaraashka xaraash' ee loogu ururiyay lacag ka badan nus milyan kr.
Askar badan waa in magdhow la siiyo
22. sep. 2009 09:33Soomaali
Sannadkii hore 22 askari ayaa ka cowday xanuuno maskaxeed oo shaqada ku gaadhay. Sagaal sano ka hor hal askari baa cowday.
Akaademiyiintii cusbayd oo shaqo la'
22. sep. 2009 08:53Soomaali
Way adag tahay in akaadimiyiinta dhawaan qalanjebiyay helaan shaqo, xilligan xiisadda dhaqaalaha.
Eedo culus oo ku lid ah komandowsta
21. sep. 2009 11:58Soomaali
Guddoomiyaha machadka xuquuqul insaanku wuxu qabaa, in komandowsta dheenishku jebiyeen xeerkii Jineefa dagaalka Afqaanistaan.
Mufakiriintu hadda ayay rabaan cashuuraha socdaalka
21. sep. 2009 11:10Soomaali
Aqlabiyadda baarlamanku waxay rabaan, in loo beddelo qayb ka mid ah qarashyadii diiwaangelinta cashuuraha cagaaran ee socdaalka. Waxa loo samayn karaa qaab fudud oo jaban, ayay yidhaahdeen mufakiriintu.
Qaybinta shaqada oo badbaadisay shaqadii
21. sep. 2009 09:41Soomaali
Qaybinta shaqadu waxay baajisay dad badan oo shaqada laga eryi lahaa. Lixdiiba hal ayay saamaysay shaqo qaybintu, oo shaqadiisii waayay.
Kor u kaca dukaamada alaabta jaban
21. sep. 2009 09:08Soomaali
Dheenishku aad ayay u jecel yihiin dukaamada alaabta jaban. Dakhli badan ayaana ay soo xareeyeen dukaamada alaabta jaban iibiyaa.
Wasiirku walaac wayn kama qabo heshiis cimileed
18. sep. 2009 12:02Soomaali
Siyaasiyiinta iyo ururrada cimilada ayaa ka walaacsan, shakiga kongereska maraykanku geliyay in xeer cimileed lagu saxeexi karo shirka Kobanheegan. Wasiirkuse walaac wayn kama qabo arrintaas.
Jooji gaadiidka maroodiga ah ee jidadka waawayn
18. sep. 2009 11:21Soomaali
In gaadiidka xamuulka laga mamnuuco jidadka waawayn ma keenayso nabadgelyo, laakiin baabuurta yaryar ayaa nefisaya, sidaas waxa qiimeeyay guurtidaa baabuurta waawayn.
Rønn: Xeerarka magangelyadu way cad yihiin
18. sep. 2009 10:46Soomaali
Kulan furan oo wada tashi, lana xidhiidhay ciraaqiyiintii magangelyada loo diiday, ayaa xaraaraddiisu kacsadnayd. Waxa eedaymo isku waydaarsaday sooshal dimuqraadiga iyo Birthe Rønn Hornbech.
Kiis middi yar oo maxkamadda ka socda
18. sep. 2009 09:27Soomaali
Nin reer Odense ah ayaa middi yar oo laga helay gaadhigiisa sheegay, inuu kaarbet ku jarjarayay. Xeerilaalintu waxay codsatay, in lagu xidho.
Hanti hawlgabeedda badan ee dheenishka
18. sep. 2009 08:55Soomaali
Dheenishku waxay kaydsadeen hanti hawlgabeed le'eg kaydka sanduuqa saliidda noorshka, oo maanta ay ku jirto in ka badan 2500 bilyan oo koron oo noorsh ah.
Gaashaandhiggu way la socdeen buugga - jægerbog
17. sep. 2009 12:53Soomaali
Sannad ka hor ayay gaashaandhiggu ogaadeen, in Thomas Rathsack qorayo buuggiisa, marku u diray warqad uu talo ku doonayo. Laakiin hadda ayuun buu helay jawaabtii.
Antibiyootig badan ayaynnu qaadannaa
17. sep. 2009 11:56Soomaali
Isticmaalka antibiyootigga ee cusbataaladeenna ayaa kor u kacay boqolkiiba 321 tobankii sano ee ugu danbeeyay. Taasi waxay ka dhigan tahay, in bakteeriyooyin badani hadda qabatimeen dawooyinkii ka hor tegi lahaa.
Xadidda kalluunka Soomaaliya waa sababta budhcadbadeednimada
17. sep. 2009 10:29Soomaali
Budhcad badeedda waa la joojin karaa, haddii QM wax ka qabtaan xadidda kalluunka xeebaha soomaalida. Laakiin dalalka xubnuhu iskuma waafaqsana, in maraakiibta dagaalku wax ka qabtaan arrintaas.
Shirwaynaha waxa wadaysa Connie H.
17. sep. 2009 10:26Soomaali
Haddii wasiirka cimilada iyo tamarta Connie Hedegaard loo magacaabo Komishinarka cimilada ee EU-da, dawladda waxa soo foodsaaraya cidhiidhi xagga waqtiga ah, qabanqaabada shirwaynihii cimilada ee diisanbar.
Obama iman maayo shirka IOC-da
17. sep. 2009 09:03Soomaali
Madaxwaynaha maraykanka Barack Obama, ayaa sheegay, in aanu imanayn shirka IOC-da ee Kobanheegan, waxase imanaysa Michelle Obama.
Ciraaq: Jooji mustaafurinta qasabka ah
16. sep. 2009 12:11Soomaali
Ciraaqiyiintii magangelyodoonka ahaa ee sharciga looga diiday Danmark ayaa taageero siyaasadeed ka helay madaxda ugu sarraysa Ciraaq.
Thorning ayaa weerartay Pia K.
16. sep. 2009 11:34Soomaali
Guddoomiyaha xisbiga Sooshal dimuqraadiga Helle Thorning-Schmidt ayaa weerar foronta hore ah ku qaadday xisbiga DF, khudbaddeedii shirwaynaha "Dansk Metal" ee Aalborg.
JyllandsPosten oo ka furfurtay Khader qaladkiisii
16. sep. 2009 10:58Soomaali
Naser Khader ayaa afka furtay maalintii ugu horraysay afhayeenimada qalabixinta ee xisbiga konserfatifka. Laakiin wargayska Jyllands-Posten ayaa ku caawiyay, inuu ka noqdo erayadiisii.
Politiken: xoriyatulqawku waa muhiim
16. sep. 2009 09:43Soomaali
Politiken waxay soo wada saartay buuggii Thomas Rathsacks "Jæger - i krig med eliten". Waxay tixgelisay xorriyatulqawlka. Waana 1995 kii markay dooratay, inay daabacdo "Kommissærens Dagbog".
Libaraalka oo raba in la ganaaxo rebshedwalayaasha
15. sep. 2009 11:36Soomaali
Rebshedwalayaashu waa inay soo wada celiyaan deeqda ardayda lagu caawiyo (SU) iyo weliba dheeraad, haddii ay sameeyaan rebshed ama xasilloonidarri mudaharaadyada.
Bilayska oo la dadaalaya dadka waalan
15. sep. 2009 10:41Soomaali
Dawladaha hoose iyo shaqaalahooda ayaa sariiro dheeraad ah iyo daryeel u raadinayay dadka waalan, arrintaasna waxa hadda taageeray ururka bilayska.
Alaabo badan baa jeebka lagu ritaa
15. sep. 2009 09:35Soomaali
Sannadkan dadka xaday dukaamadu waxay boqolkiiba 17 ka badan yihiin sannadkii hore, sidaas waxa muujiyay tirooyinka bilayska loo gudbiyay.
Koofiyadda ardaydu waxay ku xidhan tahay degaanka
15. sep. 2009 09:06Soomaali
Haddaad deggan tahay Lolland, fursadda ilmahaagu ku xidhan karo koofiyadda imtixaanku way ka yar tahay haddaad tusaale ahaan deggan tahay Sorø.
Dhakhtarro shaki geliayay tallaalkii duriga
14. sep. 2009 11:54Soomaali
Dhakhtarro badan ayaa suaalo ka keenay qorshaha lagaga tallaalayo in ka badan hal milyan duriga A.
Wozniacki oo ku mahadnaqday af dheenish iyo boolish
14. sep. 2009 11:21Soomaali
Caroline Wozniacki waxay u dagaallantay si geesinimo leh, laakiin gebagebadii ayay laba set ka badisay Kim Clijsters, waanay ku faraxsan tahay kaalinta ay timi.
La dagaallankii baandada oo wax laga beddalayo
14. sep. 2009 10:44Soomaali
Wasiirka caddaaladda Brian Mikkelsen ayaa qiray, in aanay waxba tarin sidii adkayd ee loo la dagaallamayay baandooyinka gangistarrada mootalayda ah iyo kuwa ajinebiga.
Bilayska oo waraysanaya kuwa magangelyodoonka caawiya
14. sep. 2009 09:44Soomaali
Xubnaha ururka Kirkeasyl ayuu bilaysku ka waraystay lacagtii ay u ururiyeen magangelyodoonkii sharciga loo diiday.
Caymiska caafimaadku muu abuurin dabaqadaha A iyo B
14. sep. 2009 09:13Soomaali
Caymisyada caafimaadka ee gaarka ahi waxba may yeelin fursadihii dawaynta ee dadka aan caymiskaa lahayn, sidaas waxa muujiyay baadhitaan la sameeyay.
Libaraalka oo raba faahfaahin la xidhiidha maxaabiista
11. sep. 2009 11:14Soomaali
Guddoomiyaha Libaraalka ee guddida difaaca baarlamaanka, Hans Christian Thoning, wuxuu faahfaahin la xidhiidha qoraalladii lumay ee maxaabiista afqaanistaan ka rabaa wasiirka gaashaandhigga Søren Gades.
DF oo raba: in xuduudaha la adkeeyo
10. sep. 2009 10:54Soomaali
Xuduudda dheenishka waa in la dhoobo askar badan oo bilays ah ka hor shirwaynaha cimilada ee Kobanheegan ee Diisanbar.
Shaqaalaha baarkinka oo noqday danjirayaasha xasilloonida
10. sep. 2009 10:21Soomaali
Waxa looga bartay ganaaxa baabuurta meesha qaladka ah la dhigo, haseyeeshee shaqaalaha baarkinku, waxay kaalin wayn ka ciyaari doontaa ka hortagga rebshadaha, xatooyada iyo xiisadaha kale.
Ururada shaqaaluhu waxay rabaan mushahar kordhin
10. sep. 2009 09:52Soomaali
Inkastoo shirkado la xidhayo, shaqaale badan la dhimayo, lagana cabsi qabo shaqola'aan, hadana ururada shaqaaluhu waxay dalbanayaan mushahar kordhin rasmi ah wadahadalka gu'ga.
ISS oo xoog loo eedyay Igland
10. sep. 2009 09:32Soomaali
Shirkadda dheenishka ee ISS ayaa ayaa xoog loogu eedeeyay, inay dhiigmiirtaan shaqaalaha aan sharciga lahayn Iglan.
Bilayska oo baranaya anshaxa intarnetka
10. sep. 2009 09:03Soomaali
Bilayska dheenishka ayaa qarka u saaran, in shaqada lagaga eryo waxyaabo ay ku qoreen Facebook-ga ama meelo kaloo intarnetka ah.
Denbiilayaal hore oo rebshadaha kala dagaalamaya Vollsmose
9. sep. 2009 10:55Soomaali
Waa la shiidayay bilayska, baabuurtana waa la gubayay. Sidaas ayay ahayd xaaladdii hore ee Vollsmose. Hadda dhallinyaradii rebshada samayn jiray ayaa dadaal ugu jira, inay soo celiyaan deggenaanshihii xaafadda.
Rønn: barmiiska halkii ciraaqiyiinta
9. sep. 2009 10:16Soomaali
Wasiirka qalabixinta Birthe Rønn Hornbech waxay dooratay, in Danmark sannadkan soo qaadato barmiis halkay ciraaqiyiin ka soo qaadan lahayd kootada qaxootiga. Way ka qalabixi og yihiin, ayay qabtaa.
Dawladdu 450 milyan ayay ka saaraysaa khasnadda fasaxa
9. sep. 2009 09:46Soomaali
Dawladdu 450 milyan oo koron ayay ka saaraysaa khasnadda fasaxa, oo ay u isticmaalaysaa dhismaha 5000 oo goobood oo dhallinyarada lagu tababaro.
koobista muddada dawaynta bukaanka degdegga ah
9. sep. 2009 09:25Soomaali
Afar saacadood waa in wax loogu qabtaa qofka bukaan degdeg ahi ku yimaaddo, sidaas waxa qaba ururka dhakhtarrada, siyaasiyiintuna way taageereen.
Hoos u dhaca awoodda tartarnka
9. sep. 2009 08:55Soomaali
Wax dhoofinta dheenishka oo dhibaatooyin wayn kala kulmaya hoos u dhaca awoodda tartanka.
Kommuunayaasha oo saf u galay kicinta cashuurta
8. sep. 2009 11:54Soomaali
In ka badan saddexdii kommuuneba mid ayaa codsanaya inay cashuurta kiciyaan sannadka soo socda xiisadda dhaqaale darteed.
Danmark iyo Iswidhan way jebiyeen xeerkii qaxootiga
8. sep. 2009 11:09Soomaali
Hayadda sare ee qaxootiga, UNHCR, ayaa rumaysan, in qasab ku celinta magangelyo doonka ciraaqiyiinta Danmark iyo Iswidhan, jebinayo xeerkii qaxootiga.
Dhallintu da' yar bay galaan jaamacadaha
8. sep. 2009 10:24Soomaali
Ardayda jaamacadaha gelayaa way da' yar yihiin. Saddexdiiba laba ka mid ah da'doodu way ka hoosaysaa 21 jir, markay jaamacadda bilaabaan.
Isgoysyada xadiidka ee iska furan
8. sep. 2009 10:00Soomaali
Darawallada tareenka ayaa hadda raba, in isgoysyada khatarta ah ee iska furan la xidho ama loo sameeyo nalka taraafiga.
Kumanaan dhallinyaro ah baa khamri laga safeeyaa
8. sep. 2009 09:38Soomaali
Dhawr kun oo carruur iyo dhallinyaro dheensih ah ayaa sannad walba cusbataallada loo keenaa safayn iyo sumow, ka dib markay xaddi badan oo khamri ama doroogo ah qaateen.
Haa mushaharka cirka isku shareeray
7. sep. 2009 13:10Soomaali
Lix ka mid ah toddobadii dheenishku u doortay baarlamanka yurub ayaa haa u codeeyay mushahar kordhin faxalnimo dhaaf ah oo dhan ilaa 9000 koron bishi.
Dad badan aan ku noolaan karin shaqadooda
7. sep. 2009 11:47Soomaali
Qaar badan oo ka mid ah shaqaalaha dawladda ayay ku adag tahay inay helaan shaqo saacado buuxda.
Bukaan kansar qaba oo magdhow helay
7. sep. 2009 10:49Soomaali
11 bukaan ah ama ehelkoodii ayaa la siiyay 451.879 korone, oo loogu magdhabay dhibaatooyinkii ka soo gaadhay sugitaankii dheeraa ee dawaynta kansarka
S wuu ka codaynayaa indhashareerka
7. sep. 2009 10:12Soomaali
Xisbiga sooshal dimuqraadigu u codayn maayo mamnuucista indhashareerka, laakiin wuxu mamnuucayaa in dadka kale lagu qasbo dharka diinta.
Gabadh dheenish ah ayaa ku xidhan Kambodiya
7. sep. 2009 09:21Soomaali
Gabdh dheenish ah oo 55 jir ah ayaa weli ku jirta xabsiga Phnom Penh. Maxkamad rafcaan ayaa ku xukuntay 15 sano, iyadoo kiniinka madaxwareerka u diraysay Maraykanka darteed.
Dhallinyaradu ma rumaysna kondhamka
4. sep. 2009 11:34Soomaali
Badi dhallinyarada da'doodu ka yar tahay 25 ee maantu ma qabaan, inay jirto halis la magacaabi karo ay horseedi karto galmada aan la gashan kondom.
Dad fayow baa u dhiman kara durayga A
4. sep. 2009 11:06Soomaali
Waxa jira waxyaabo caddaynaya, in dadka caafimaadka qabaana dayrta u dhiman karaan cudurka faafa ee durayga A.
Dhakhtarro la'aantu waa sheekabaralay
4. sep. 2009 10:30Soomaali
Dhakhtarro la'aanta cusbataaladu waa sheekabaralay. Tan iyo 2001 boqolkiiba 27 ayay korodheen tirada dhakhtarradu, sidaas waxa muujiyay qoraal ka soo baxay wasaaradda caafimaadka.
Shaqaalaha dawladda oo halis ugu jira mushahar dhimis
4. sep. 2009 09:50Soomaali
650.000 dawladda ugu shaqeeya sosu, barayaal iyo kalkaaliyayaal caafimaad ayaa laga yaabaa, in boqolkiiba 1 mushaharka laga dhimo sannadka soo socda.
Wadaad qarinaya qaxooti sharcidarro ah
4. sep. 2009 09:04Soomaali
Wadaadka Per Ramsdal ayaa si sharcidarro ah u caawinaya qaxootiga ciraaqiyiinta ee ka baxsanaya bilayska. Sidaas awgee wuxu halis ugu jiraa, in la xidho. Xisbiga dadwaynaha dheenishku waxay rabaan, in shaqada laga eryo wadaadka.
Waalid badan baan carruurta gayn baadhitaanka dhakhtarka
3. sep. 2009 11:20Soomaali
Waalid badan oo dheenish ah ayaan carruurtooda yaryar gayn baadhitaannada loogu talagalay ee dhakhtarka.
Doolkii oo tuban safafka shaqada
3. sep. 2009 10:49Soomaali
Xiisadda dhaqaale ka hor dad badan oo dool iyo waayeel ah ah ayay u fududayd, inay shaqo helaan. Haseyeeshee hadda waxay taasi u eg tahay mid aan sii soconayn.
Ciraaqiintii la diiday oo dhuumanaya
3. sep. 2009 10:12Soomaali
Ciraaqiyiintii magangelyada loo diiday oo dhulka hoostiisa ku dhuumanaya, si aan qasab loogu celin, sida 22kii shalay la mustaafuriyay.
Way ka bixi kari waayeen madaarkii Baqdaad
3. sep. 2009 09:28Soomaali
16 ciraaqiyiintii la celiyay ah ayaa ka bixi kari la' madaarka Baqwdaad, sidaas waxa DR Nyheder u sheegay mid kuwa la celiyay ah. Shan ka mid ahna la xidhay, ayuu yidhi.
Masjidkii u horreeyay Kobanheegan oo 2 sano ku dhammaanaya
2. sep. 2009 11:16Soomaali
Masaajid wayn ayaa lagu wadaa, inuu laba sano ku dhammaado, kaasoo laga dhisayo barta loo yaqaan dhulka masaajidka, ee xaafadda Amager ka soo horjeedka jaamacadda Kobanheegan.
FE: Danmark haliso kala duwan baa horyaal
2. sep. 2009 10:34Soomaali
Wardoonka ciidamada ayaa maanta gelinka danbe faafinaya qiimayntooda la xidhiidha halisaha Danmark horyaal. Dr Nyheder ayaa soo halacsaday warbixinta, oo ka hadlaya halista budhcad bedeedda.
22 ciraaqi ayaa laga dhoofiyay Odense
2. sep. 2009 09:41Soomaali
22kii ciraaqi ee ay xalay bilaysku tarxiileen waxa laga dhoofiyay madaarka Odense. Guddoomiyaha madaarka Odense ayaa sidaas u sheegay Dr Nyheder. Tarxiilkoodiina wax dhibaato ahi kama dhicin.
Robotyo badan ayaa daryeelaya waayeelka
1. sep. 2009 12:30Soomaali
Robot wax xaadha ayaa dhulka guuxaya, iyadoo gacmaha kaaliyayaasha gurigu aanay taaban. Isla markana robot kale ayaa diyaar ah inuu rogo waayeelka sariirta saaran.
Jonathan Richter oo lug laga gooyay
1. sep. 2009 11:25Soomaali
Jonathan Richter, oo danab ku dhacay isagoo tababar ku jira, ayaa soo roonaaday, ka dib markii lugtiisa bidix laga gooyay jilibka hoostiisa.
Kalkaaliyayaasha caafimaadka oo magaca danbe qariya si aan loo xasaradayn
1. sep. 2009 11:03Soomaali
Badi kalkaaliyayaasha caafimaadka oo magaca danbe ee baajkooda qariya, si aan loo xasaradayn. Waayo waxa si fudud looga helayaa meelo uu ka mid yahay facebook.
81 carruur dheenish ah oo ay la baxsadeen waalidkood
1. sep. 2009 09:40Soomaali
Badi 81 ka carruur ah ee lala baxsaday waxa la geeyay dalal aanu heshiiska soo celintu ka dhaxayn Danmark, sida Lubnaan, Suuriya iyo Soomaaliya.
Halwgabku waxay ku nool yihiin bisilka dadwaynaha
1. sep. 2009 09:02Soomaali
Sawirrada hawlgabka hodanka ah ayaa meel walba ka muuqda. Laakiin badi dawladaha hoose, bisilka dadwaynaha iyo ATP-ga ayaa udubdhexaad u ah dhaqaalahooda.
Dadka xarfaha ilduufa oo ku qulqulaya koorasyada dheenishka
31. aug. 2009 12:00Soomaali
Shaqo ka fadhiisinta badan ee xiisadda dhaqaaluhu keentay ayaa u muuqata dhibaato wayn. Dadkii aan wax qori karin ayay xoog u saamaysay.
31. aug. 2009 11:27Soomaali
Waxa dawladaha hoose ku waajib ahaa, inay sandulleeyaan dumarka uurka leh ee alkahooligga ah, hadday dareemaan inay sagsaagayaan daawaynta loo siianayo si xun u isticmaalka alkahoosha.
31. aug. 2009 10:56Soomaali
Way soo gudhayaan silsiladihii baananka Danmark. Baanka Nordea ayaa liqaya Baanka Fionia.
Ciidamadu cagaha ayay maalayaan Afqanistan
31. aug. 2009 10:18Soomaali
Taliyaha ciidamada Maraykanka ee Afqanistan ayaa beddelaya istiraatijaddii. Askartu waa inay ka baxaan gawaadhida gaashaaman oo ku dhawaadaan dadwaynaha Afqanistan. Tallaabadani waa halis, laakiin waa lama huraan, ayuu yidh khabiir dheenish ah.
S wuxu dawladda ku soo dhawaynahyaa SF
28. aug. 2009 11:50Soomaali
Xisbiga SF wuxu rabaa, inuu dawladda galo. Guddoomiyaha Xisbiga sooshal dimuqraadiga, Helle Thorning-Schmidt, ayaa shir jaraaid ku sheegtay, inay ku dhawaynayso. Sidaas awgeed waa marku xafiisyada dawladda ugu dhawaa xisbiga SF.
Ilaalinta cashuurta oo daba socota madaxda iyo frasamoyaqaannada
28. aug. 2009 11:03Soomaali
Waxay wataan baabuur kala modello ah. Dakhligooduna wuu kala duwan yahay. Waxayse labaduba khiyaameeyaan cashuurta. Ololaha cusubi wuxu soo xareeyay malaayiin cashuur lala baxsaday ah.
Kobanheegan oo oggolaatay masaajid wayn
28. aug. 2009 10:15Soomaali
Aqlabiyad xooggan oo wakiillada dadwaynaha ah ayaa u codeeyay, in xaafadda woqooyi galbeed ee Kobanheegan laga dhiso Masaajid wayn, oo minaarado buluug ah leh.
Khader ma soo dhawaynayaan dadka doorta Konserfatifku
28. aug. 2009 09:33Soomaali
Naser Khader sumcaddiisu way ku dhex liidataa dadka doorta Konserfatiflka. Sidaas waxa muujiyay rayi baadhis ay Megafon u samaysay TV 2 iyo Politiken.
Caanaha yar iyo hurdada yar waa lagu buuranayaa
28. aug. 2009 09:07Soomaali
Ilmaha mataanka ah, ee yaraantii miisaanka yar, naaskana aan muddo dheer jiqin, isla markana aan hurdo fiican seexani, wuxu halis ugu jiraa, inuu marka danbe miisaan badani koro
- Qoyskii la soo daayay oo halis gaar ah ku jira
27. aug. 2009 11:25Soomaali
Flygtningenævnet kan se, at der er tale om en meget alvorlig sag, og derfor genoptager de sagen, siger advokaten for løsladt irakisk familie.
Konseerfatifka oo ka walaacsan mamnuucista indhashareerka
27. aug. 2009 10:49Soomaali
Tobankii guddoomiyayaasha lookalka ah ee xisbiga konserfatifkaba afar baa diiddan, in la mamnuuco indhashareerka, sidaas waxa muujiyay waraysiyo uu qaaday wargayska Berlingske Tidende.
Carruur badan baa waalidkood ku ilaaliyaa GPS
27. aug. 2009 10:18Soomaali
GPS-ku kuma habboona keli ah, inuu jidka ku tuso. Waxay waalidku si wayn ugu adeegsadaan, inay kula socdaan carruurtooda.
Barafka Girinland oo dhalaalaya xagaaga
26. aug. 2009 12:40Soomaali
Shan sannadood gudahood ma sii jiri doono baraf badeedka ku wareegsan Giriinland xagaaga, waxa sidaas saadaaliyay cilmibaadhayaasha.
Dhallinyarada oo lagu bogsiiyo biro sharcidarro ah
26. aug. 2009 11:30Soomaali
Biraha jidhka lagu bogsiiyo ee lagu qotomiyo qalabka la isku qurxiyo, waa ka mamnuuc Danmark. Waxanay keeni karaan caabaq halis ah.
Wuu hagaajinayaa caawimada waayeelka bukaanka ah
26. aug. 2009 10:53Soomaali
Guddoomiyaha gobollada ayay la tahay, inay si fiican isula jaanqaadaan dawaynaha dadka waayeelka ahi, masuuliyadduna meel qudh ah ahaato.
Lejerbo oo dib u dejinaysa dad la soo dhibay
26. aug. 2009 09:49Soomaali
Qoys qudh ah ayaa xoog u dhibay dadwayne deggan xaafad ku taal Helsingør. Muddo dheer ayay qaadanaysaa, in reerka guriga laga saaro, sidaas awgeed dadkii baa xaafadda uga qaxayaan.
Aqlabiyadda: Intarnatku wuu hagaajiyay adeegyadii xafiisyada dawladda
26. aug. 2009 09:20Soomaali
In ka badan kala badh dadwaynaha ah ayaa qaba, in intarnatku hagaajiyay adeegyadii xafiisyafda dawladda. Waxase weli jira dad badan aan ku wanaagsanayn isticmaalka kombuyuutarka.
Ma danaynno digniinaha kimikalka
25. aug. 2009 11:37Soomaali
Dad badan baan danayn digniinaha ku dul yaal weelka kimikalka. Taasina waxay keentaa dhibaatooyin xun, sida kimikalka wax lagu nadiifiyo oo salladhka baradhada lagu daro.
Bukaanka kolostarolka qalad baa loo daweeyaa
25. aug. 2009 11:27Soomaali
In ka badan 60.000 oo bukaanka kolostarolka ah ayaan helin dawooyinka wanaagsan, taasoo ka dhigan inay halis ugu jiraan xinjiro dhiig ah oo wadnaha iyo maskaxda fadhiista.
10 bilyan ayaa lagu darayaa maalgelinta
25. aug. 2009 10:13Soomaali
Xukuumaddu waxay maalgelinta dawladda ku kordhinaysaa 10 bilyan oo koron sannadka 2010. Balaayiinkaas badani waxay dhimayaan xiisadda dhaqaalaha.
Biirkii daasadaha oo kor maray kii quraaradaha
25. aug. 2009 09:33Soomaali
Dheenishu waxay jaraan biirka daasadaha. Quraaradihii waxay rasaysan yihiin khaanadaha. Daasadaha ayaa ka yar, kana fudud oo lagu daatay.
Michael Jackson wuxu u dhintay dawo xad dhaaf ah
25. aug. 2009 09:00Soomaali
Michael Jackson waxa jidhkiisa ku jiray xaddi badan oo dawada dilaaga wax suuxisa ah ee propofol, markuu dhintay.
Richter oo kelyo beelay
24. aug. 2009 13:05Soomaali
Jonathan Richter oo u ciyaara FC Nordsjælland ayaa ka soo baraarugay koomadii uu ku jiray - laakiin hadda la xarbiyaya caafimaadkiisa kale
Duleedada Athens oo ololaya
24. aug. 2009 12:57Soomaali
2000 oo ciidanka dab damiska giriigga ah ayaa caawimo yar ka helaya dabaysha iyo dayuuradaha Faransiiska, Talyaaniga iyo Qubrus.
Wasiirka: Kobanheegan way guuldaraysatay
24. aug. 2009 12:57Soomaali
Wasiirka caddaaladda Brian Mikkelsen ayaa ku dhaleeceeyay dawladda hoose ee Kobanheegan, inay guuldarraysteen, ka dib markay habeenkii sabtida isku dhaceen bilayska iyo koox dhallinyaro ahi.
Afqanistan waa in ciidanku muddo joogaan
24. aug. 2009 09:59Soomaali
Waa in la dheereeyo muddada ay Afghanistan joogayaan ciidamada loo diray. Marka lixdii biloodba la soo beddelo waxa lumaysa khibraddii iyo waayoaragnimadii, waxa sidaas yidhi sarkaal sare oo dalka ku soo laabtay.
Mærsk oo khasaaray sadex bilyan oo koron
21. aug. 2009 13:52Soomaali
A.P. Møller-Mærsk oo khasaaray saddex bilyan oo koron lixdii bilood ee hore. Khasaaraha waxa keenay suuqa kontaynarrada oo shirkadda dhulka geliyay.
Shirkado tiro yar baa mawlac siiyay shaqaalaha
21. aug. 2009 13:01Soomaali
Afar keli ah 20ka shirkadood ee dheenishka ugu waawayn, ayaa shaqaalahooda muslinka ah siiyay mawlac ay ku cibaadaystaan shaqada.
Haarder: Toosi dhallinyarada subaxdii
21. aug. 2009 12:13Soomaali
Dhallinyarada, hurdada macaansata, waa in lagu toosiyo sms, lana xusuusiyo, inay shaqo tagaan. "Waa fikrad wacan", ayuu qabaa wasiirka waxbarashadu.
Askarigii dharcadda ahaa ee la toogtay wuu fiican yahay
21. aug. 2009 12:11Soomaali
Bilaysku weli raad ma hayaan kiiska askarigii, xalay lagu toogtay Kobanheegan. Muusishanka caanka ah ee raabka ciyaara Niarn ayaa isagu badbaaday.
Qareen ku qanacsan dib u eegista kiiska magangelyo doonka
21. aug. 2009 11:34Soomaali
Sida laga soo xigtay magangelyo doonka la diiday, waxay wefdigii ciraaqiyiintu ugu hanjebeen in la xidhi doono, markay ku soo laabtaan Ciraaq.
Dawladdu waxay jeexsiinaysaa DF deeqda dalalka debedda
21. aug. 2009 10:40Soomaali
Dawladdu waxay deeqda shisheeyaha ku si wadi doontaa heerka imminka. Sidaas awgeed waxay isku dhici doonaan xisbiga DF
Tiro yar baa rabta wastaad, roodhiile iyo korontoyaqaan
20. aug. 2009 12:19Soomaali
Sannadkan boqolkiiba 17 ardayda fasallada 9 aad iyo 10 aad, waxay doorteen inay galaan dugsiyada ganacsiga, waana taariikh naadir ah.
Sii akhri
Guddoomiyuh si fiican buu u fahansan yahay siyaasiyiinta
20. aug. 2009 11:44Soomaali
Guddoomiyaha guddida suuqa shaqadu Jørgen Søndergaard si fiican buu u fahansan yahay warka ka soo baxay dawladda, hasaeyeeshee wuxuu rajaynayaa, in warbixinta mar danbe laga soo saari doono khaanadda.
Khubarada: Xidh shantii baarba mid
20. aug. 2009 09:55Soomaali
Dad badan oo Kobanheegan deggan ayaa cabba khamri badan. Sidaas awgeed waa in dib loo eego tirada liisamada alkahoosha, waxa sidaas qaba guddida ka hortegista.
Shirkadaha dheenishka oo warar hoose raadinaya
20. aug. 2009 09:22Soomaali
Ma rabtaa inaad sheegto, wuxu xaday saaxiibkaa. Shirkado badan oo dheenish ah ayaa isku dayaya, in shaqaaluhu iska warramaan.
Gurilaawayaasha waa la garaacaa oo daynbax lagu qasbaa
19. aug. 2009 13:54
Muquunin, ciqaab iyo daynbax qasab ah weeye badi nolosha in badan oo ka mid gurilaawayaashu.
Arday tiro yar baa la bahdilaa
19. aug. 2009 13:14
Ololihii "Aan giddi ka horjeesanno bahdilaadda" ayaa horseedday in bahdilaaddu hoos u dhac dugsiyada hoose/dhexe. Waxa sidaas muujiyay qiimayn ay sameeyeen waalidka iyo dugsiyadu.
Codbixiyayaal badan baa taageeray mamnuucista indhashareerka
19. aug. 2009 11:25
Inkastoo soojeedinta konserfatifka ee in la mamnuuco indhashareerku is afgaranwaa ka dhex abuurtay dawladda, haddana ra'yigaasi wuxuu taageero aqlabiyad ah ka helay codbixiyayaasha, sida ra'yi ururini muujisay.
Konserfatifka oo dardargelinaya qalabixinta
19. aug. 2009 10:53
Hoggaamiyaha Konserfatifka Lene Espersen oo dardargelinaysa qalabixinta: Hadda waa in qaxootiga iyo kuwa kaleba ku dhexgalaan bulshada dheenishka sannad. Culaysna la saaro dimuqraadiyadda, sinnaanta, waxbarashada iyo caafimaadka
Boosta oo qaadda waraaqo iyo baakidho tiro yar
19. aug. 2009 09:17
Xiisadda dhaqaaluhu waxay keentay, in waraaqo iyo baakidho yar laga diro boosta. Boosta Danmark hoos ayay u socotaa, inkastoo aanay weli khasaarin.
Kormeerka dugsiyada diimaha oo la xoojiyay
18. aug. 2009 12:35
25 dugsi oo muslinka iyo kaatooliggu leeyihiin ayaa mar labaad la kormeerayaa, inta ka hadhay sannadka. Sidan waxaa lagu la dagaalamayaa xagjirnimada, ayuu yidhi wasiirka waxbarashada Bertel Haarder.
Carruur badan baa calooli ka soo dhacday
18. aug. 2009 11:58
Tirada carruurta miisaankoodu wayn yahay ayaa xoog u kordhaysa, taasina waxay walaac ku abuurtay khubarada ku shaqo leh, waayo badi carruurta miisaanka wayn weligood kama go'o hilibku.
Dheenishku way jecel yihiin shaqadooda
18. aug. 2009 11:14
Dheenishku kuma riyoodaan, inay cadceedda isu dhigaan noloshooda oo dhan. Badi waxay jecel yihiin shaqada, xataa hadday dhaqaale ahaan ka madax bannaan yihiin, sidaas waxa muujiyay baadhitaan la sameeyay.
DI oo rabta in qarashka CO2-ga laga qaado babuurta sannadkii
18. aug. 2009 09:58
Jooji qarashka diiwaangelinta, baabuurlayduna ha bixiyaan qarashka CO2 sannadkii. Taasi waxay hoos u ridaysaa CO2-ga, dhaqsana baabuur cusub baa loogu daadanayaa.
Markab Dheenish ayaa markale ugaadhsanaya budhcad badeedda
18. aug. 2009 09:02
Danmark markab cusub ayay u diraysaa gacanka Cadmeed, si uu u ugaadhsado budhcad badeedda, sidaas waxa sheegay wasiirka arrimaha debedda Per Stig Møller.