Sections
 
New in Denmark Work Education Organisations Healthcare Relationships and Family Culture Society
You are here: Home Bulshada Hoyga Dhenmark waxay yeelatay signal tv oo cusub
Document Actions
  • Send Facebook
  • Send Send
  • På dansk På dansk

Dhenmark waxay yeelatay signal tv oo cusub

Det nye tv-signalSidaas awgeed signalka tv-ga hadda la isticmaalo ee analogga ah waxaa anteenayaasha laga saarayaa saqda dhexe ee 31ka oktoobar 2009. Markaas ka dibna signallada tv-gu waxay wada noqonayaan dhijital.

Baarlamanka ayaa go’aamiyey, in Dhenmark oo dhammi yeelato tv signalkiisu dhijital yahay, si loo helo kanaallo badan oo tayo fiican. Dalal badan ayaana haddaba u gudbay tv-ga dhijilka ah.

Haddaad leedahay anteene gaar ah (anteene yaal fadhiga, guriga korkiisa ama saqafka), ayuun baa ay tahay inaad wax samaysid. Waa inaad u hawlgashid, in tv-gaagu soo qabto signallada dhijitalka ah ugu danbayn 31ka oktoobar 2009, si aad uga baaqsatid shaashad madow.

Haddaad signalka tvga ka heshid kaybal , saxan ama mawjadda ballaadhan ee internetka (bredbånd), waxba ma samaynaysid. Waxaad tv-ga u daawanaysaa, sidaad haddaba u daawatid. Haddaad se signalka tv-ga ka heshid anteene la wadaago, shirkadda anteenihiinna leh ayaa ka masuul ah, inay signalka cusub ee tv-ga idiin soo geliso.

Waxaa laga yaabaa inaad garanaysid cid aan diyaarsan karin signalka cusub ee tv-gooda. Caawi! Waa in aynnu dhammaan daawan karnaa tv-ga – xataa 31ka oktoobar 2009 ka dib.

Ka qaado xaashiyaha kooban oo pdf

Ka akhri xaashiyaha kooban shaashadda (flash pdf)

Det Nye Tv-signal, www.detnyetv-signal.dk
Warbixinta la xdidhiidha sida loogu gudbayo tv-ga dhijitalka ah waxaa ka masuul ah Det Nye Tv-signal – oo ah xoghayn madaxbannaan, oo dawladdu maalgeliso, taasoo dheenishka ka caawinaysa siday ugu gudbi lahaayeen signalka cusub ee tv-ga.

Links