Halkan ka qaado qoraalka agaasinka caafimaadka
Warar muhiim ah oo cod ah, oo agaasinka caafimaadku ka diyaariyay Hargabka A (H1N1)
Nadaafad wacan – Ka digtoonow inaad cudurka faafiso
Hargabka waxa keenta fayras, loo tebiyo sidii dhibco yaryar marka la qufaco, la hindhiso ama wax la mid ah la sameeyo. Cudurku wuxu fidaa markaad hawada ka qaadato dhibcahaas yaryar ama gacanta ku qaadato ee aad dabadeed taabato indhaha, sanka ama afka.
1. Markasta faraxalo
Fayrasta hargabkan keentaa waxay si fudud ugu dhegtaa gacmaha, waxayna fiddaa marka la isa salaamo ama la taabo meelaha sida handaraabka albaabka, kiiboodhka, qasabadda biyaha iwm. Sidaas awgeed marwalba ku faraxalo biyo iyo saabuun. Haddii aanay biyo kuu suurtagelayn, waxaad isticmaali kartaa isbiirtada faraha la mariyo.
2. Ku qufac ama ku hindhis dhudhunka gacanta
Ha ku qufacin hana ku hindhisin farahaaga. Adeegso xaashiyaha marka la isticmaalo ama dhudhunka gacantaada, si aanad u gudbin hargabka, markaad taabato handaraabka albaabka iwm.
3. Guriga joog, haddaad bukooto
Hargabku wuxu si fudud ugu fidaa dugsiyada, goobaha shaqada iyo xarumaha kale, ee dad badani ku kulmaan. Sidaas awgeed guriga joog, ilaa inta xumaddu kaa jabayso maalin ama aad ka raysanayso. Haddaad u baahato caawimo dhakhtar, adeegso tilifoonka halkaad tegi lahayd qolka sugitaanka dhakhtarka, oo ka digtoonow inaad dadka kale qaadsiiso.
Kooxaha u nugul iyo tallaalka
Dadka qaar baa halis ugu jira inay xoog u bukoodaan
Waa inaad si gaar ah uga digtoonaato hargabka, haddaad qabto xiiq (astma), macaan, awoodda difaaca jidhkaagu hoosayso, shaqada sanbabadaadu hoosayso (sida KOL ama cystisk fibrose), aad qabto cudurka xididada wadnaha, ama haddii miisaankaagu xoog u badan yahay.
Dumarka uurka leh iyo carruurta yaryar ayaa sidoo kale u nugul, marka hargab ku dhaco. Haddaad uur leedahay oo hargab kugu dhaco ama aad ilmo yar haysato, oo leh astaamaha cudurka, waa inaad dhakhtarka la xidhiidho.
Haddaad ka mid tahay kooxahaas la soo sheegay, waa muhiim, inaad dhakhtarka la xidhiidho, haddii adiga ama qof meel kula deggeni yeesho astaamaha cudurka. Sidoo kale la xidhiidh dhakhtarka, haddaad ogaato, inuu kugu dhacay.
Dadka u nugul waxa loogu deeqayaa tallaal
Agaasinka caafimaadku waxay badi kooxaha u nugul kula talinayaan inay iska tallaalaan hargabka A (H1N1). Tallaalku wxuu aad u yaraynayaa halistii aad ku qaadi lahayd, waxa uu kaa ilaalinayaa inaad xoog u bukooto. Waana bilaash, in la is tallaalaa. La xidhiidh dhakhtarkaaga oo waydii, inay tahay in lagu tallaalo, haddaad ka mid tahay kooxaha halista ku jira.
Haddaad uur leedahay oo aad qabto cudurrada aan laga bogsan, agaasinka caafimaadku wuxu kugu la talinayaa, in lagaa tallaalo hargabka A (H1N1). Dumarka uurka leh ee caafimaadka qaba ee ku jira termiinka 2. iyo 3. waxa loogu deeqayaa tallaalka ka dib markaay kala hadlaan dhakhtarkooda.
Astaamaha iyo calaamadaha khatarta
Astaamaha (H1N1) waxay la mid yihiin astaamaha hargabka caadiga ah
Astaamaha (H1N1) waxay la mid yihiin astaamaha hargabka caadiga ah. Waxay ka dhigan tahay xummad degdeg ah oo ka sarraysa 38°, muruqyada iyo cunaha oo ku xanuuna, qufac iyo mararka qaarkood shuban.
Cudurku sida caadiga ah dhawr cisho ayuu ku hayaa.
Haddaad xanuunsato, waa in aanad samayn wax ka baxsan waxaad samayso, marka hargab caadi ahi kugu dhaco. Waxay ka dhigan tahay: Guriga joog ilaa intaad bogsanayso ee xummaddu kaa jabayso maalin dhan.
Dhakhtarka wac haddaad ka darto
Dhakhtarka wac, haddii hargab kugu dhaco oo neefsashadu kugu adkaato, aad hiinraagto ama xummaddaadu xoog u sarrayso in ka badan saddex cisho. Hargabku hadduu kugu xumaado wuxuu keenaa caabaq sanbabada ku dhaca, oo ay tahay in dhakhtarku kaa daweeyo.
Sidoo kale waa inaad dhakhtarka wacdo, haddii aad leedahay ilmo ka yar saddex sano, oo xummaddiisu aad u kacdo ama uu wax cabbi waayo ama naaska jiqi waayo.
Hargabka A (H1N1) waa cudur fudud – inta badan
(H1N1) xaaladaha badidooda waa cudur fudud. Laakiin agaasinka caafimaadku waxay u la dhaqmaan si halis ah. Waayoaragnimada dalalka kale laga helay waxay muujinaysaa, in dadka qaarkood u nugul yihiin, oo xoog ugu xanuunsadaan hargabka A (H1N1).
Sidoo kale ma ogin, sida fayrasta cusub ee hargabka keentaa u korto. Waxa lama huraan ah in aannu qorshaha ku darno, in fayrastu is beddeli karto oo noqon karto mid xoog loo kala qaado oo horseedda cudur halis ah. Cid kastaa waxay kaga qaybqaadan kartaa soohdimaynta gudbinteeda, in markasta la faraxasho, gurigana la joogo, haddii la xanuunsado.
Kala soco wararka hargabka A (H1N1) boggayaga intarnetka. Waxa kaloo aad soo wici kartaa khadka diirran ee hargabka (influenza-hotline), halkaas oo aannu kaaga jawaabi karno suaalaha, talooyin fiicanna kugu siin karno.
Isha warka: Sundhedsstyrelsen www.sst.dk
Lanbarka khadka diirran (hotline): 72 22 85 22