Hoy’ga internetka ee bibliotek.dk waxa aad dhamaan maktabadda bulshada iyo maktabaddaha cilmibaarista ee Denmark ka heli kartaa oo aad ka dalban kartaa buuggaag, heeso, filimaan iyo waxyaall kale oo badan.
Kama dalban kartid bibliotek.dk waxyaallo aan ku qorneyn bibliotek.dk. Haddii aad waxyaallo kale u baahan tahay la xiriir maktabadda xaafadaada.
Haddii aad u baahan tahay caawin ku saabsan bibliotek.dk waxa aad ka heli kartaa maktabadda xaafaddaada.
Marka aad buug aad rabtey ka heshid bibliotek.dk, waxa aad buuggaas ku dalban kartaa inaad ka soo raadsaneysid maktabadda xaafaddaada. Maktabadda xaafaddaada ayaa kugu soo wargelineysa, marka maktabadda ay soo gaaraan waxyaallo aad dalbatay. Waxaa dhici karta in waxyaallaha aad dalban kartid ay kooban yihiin. Maktabadduhu waxyaallaha ay hayaan ma amaahiyaan dadka wadanka dhinaciisa kale ku nool. Waxaa aad arkeysaa ”digniin” ku saabsan arrinkan haddii aad raadisid dvd ama fiidyow. Maktabadda waajib kuma aha inay sheyaashan amaahiyaan qof kasta.
Ka raadi bibliotek.dk
Raaditaanka waxa aad ku soo koobi kartaa magaca qoraaga, cinwaan, mawduuc, qoraal buug, nooca maktabad, nooca shey, luuqad ama sannadkii la soo saaray. Haddii aad luuqqadaada arki weydo, waxa aad riixdaa ”se alle” si aad u aragtid liistada luuqqadaha oo dhan. Waxaa kale oo suurtogal ah in diiwaanka laga raadiyo, tusaale ahaan haddii aad rabtid inaad ogaatid sida loo qoro magaca qoraaga (isticmaal batoonka ”Slå forfatternavn op i register”). Qofka xariifka ku ah internetka waxa uu isku dhafi karaa erayo badan oo uu wax ku raadiyo oo waxa uu isticmaalayaa kommandoer (amarro) (isticmaal batoonka ”Kommandosøg”).
Waxaa lagu dareensiinayaa in marka aad wax ka raadiso bibliotek.dk waxa kuu soo baxayaa ay yihiin kuwo loo nidaamiyey sida ay u kala cusub yihiin – oo aan loo soo kala hormarin sida ay u kala caansan yihiin ee lagu yaqaan mashiinada internetka wax ka raadiya. Marka aad sameysid raadin, waxa aad natiijada kuu soo baxda ku nidaamin kartaa oo aad qaadan kartaa qoraaga, cinwaanka, nooca sheygu yahay ama mawduuca.
Waxaa jira talooyin kale oo badan oo ku saabsan oo afdeenish ku qoran oo ku hoos jira ”Hjælp”.
Dalabka laga sameeyo bibliotek.dk
Waxaa loo qeybiyey dhowr talaabo. Waxa aad raacdaa tilmaan-bixiye shiishada lagaa tuso:
- Dalabka talaabada 1aad: Find bibliotek
- Dalabka talaabada 2aad: Vælg bibliotek
- Dalabka talaabada 3aad: Personlige låneoplysninger
- Dalabka talaabada 4aad: Godkend bestilling
- Dalabka talaabada 5aad: Kvittering
Waxii intaa ka badan oo ku saabsan dalbashada waxa aad af deenish ahaan ka akhrisan kartaa linkiga ”Hjælp”.
Waxii su’aal ee ku saabsan dalbashada: la xiriir maktabadda aad wax ka dalbatay.