Sections
 
New in Denmark Work Education Organisations Healthcare Relationships and Family Culture Society
You are here: Home Dhaqanka Rugkutubeedyada Ka faa’iiddeyso maktabaddaada – waxa aad la kulmeysaa adduunyo cusub
Document Actions
  • Send Facebook
  • Send Send
  • På dansk På dansk

Ka faa’iiddeyso maktabaddaada – waxa aad la kulmeysaa adduunyo cusub

Isticmaalida maktabaddu waa lacag la’aan.

Kaalay oo arag waxyaabaha kala duwan ee maktabaddu soo bandhigeyso:

  • buuggaag ka hadlaysa waxkasta – siyaasad, arrimaha bulshada, farshaxan, ciyaar, aqoon, cunto sameyn iyo waxyaallo kale oo badan
  • buuggaag, aad akhrisan kartid xilliga firaaqada, sida gabayo, sheekooyin iyo buuggaag xiiso leh
  • joornaallo, wargeysyo, DVD iyo CD-yo
  • buuggaag iyo cajalado laga barto afka deenishka
  • waxaa laga geli karaa Internet-ka, tusaale Finfo.dk
  • buuggaag loogu talagalay carruurta iyo dadka waaweyn oo ku qoran luuqaddo kale.
  • meelo aad wax ku dhigan kartid ama inta aad fariisato aad wax ku akhrisan kartid.

Waxaa aad Indvandrerbiblioteket / Maktabadda Ajnebiga ka amaahsan kartaa buuggaag ku qoran in ka badan 30 luuqaddood. Haddii buuggii aad amaahsan lahayd uusan markaas maktabadda oolin, waxa aad qofka maktabadda ka shaqeeya weydiisan kartaa in uu buugga kuu dalbo. Waa lacag la’aan.

Si fudud ayaad wax u amaahsan kartaa. Si aad wax u amaahsatid waxaa lagama maarmaan ah in lagu diiwaan geliyo. Sidaa darteed waxaa lagaaga baahan yahay in aad maktabadda xaafaddaada u geysid warqad cadeyn ah, sida kaarkaaga caafimaadka ee jaalleha ah. Carruurta waxaa laga rabaa in ay wataan saxiixa waalidkood. Haddii kale weydii dadka maktabadda ka shaqeeya.

Ku soo dhawoow maktabaddaada!