|
Rugkutubeedyada
Isticmaalida maktabaddu waa lacag la’aan.
Kaalay oo arag waxyaabaha kala duwan ee maktabaddu soo bandhigeyso:
- buuggaag ka hadlaysa waxkasta – siyaasad, arrimaha bulshada, farshaxan, ciyaar, aqoon, cunto sameyn iyo waxyaallo kale oo badan
- buuggaag, aad akhrisan kartid xilliga firaaqada, sida gabayo, sheekooyin iyo buuggaag xiiso leh
- joornaallo, wargeysyo, DVD iyo CD-yo
- buuggaag iyo cajalado laga barto afka deenishka
- waxaa laga geli karaa Internet-ka, tusaale Finfo.dk
- buuggaag loogu talagalay carruurta iyo dadka waaweyn oo ku qoran luuqaddo kale.
- meelo aad wax ku dhigan kartid ama inta aad fariisato aad wax ku akhrisan kartid.
Sii akhri...
Xarunta Maktabadda ee Isdhexgalka (SBCI) waxa ay soo iibsataa oo laga amaahsan karaa buuggaag, heeso iyo filimaan 30 luuqaddood ka badan ka kooban. Dadka maktabadda isticmaalla ee Denmark ku soo galay qaxootinimo ama qaab soohaajireennimo waxa ay maktabadda xaafaddooda ku taal ka amaahsan karaan buuggaag iyo waxyaabo kale oo ku qoran luuqaddooda, maktabaddaas oo ka dalbaneysa SBCI. Dadka caadiga ah si toos ah wax ugama amaahsan karaan SBCI, laakiin waxa uu qofku la xiriirayaa maktabadda xaafaddiisa.
Sii akhri...
|
|
|