Sections
 
New in Denmark Work Education Organisations Healthcare Relationships and Family Culture Society
You are here: Home Dhaqanka Rugkutubeedyada SBCI – Xarunta Maktabadda ee Isdhexgalka
Document Actions
  • Send Facebook
  • Send Send
  • På dansk På dansk

SBCI – Xarunta Maktabadda ee Isdhexgalka

Xarunta Maktabadda ee Isdhexgalka (SBCI) waxa ay soo iibsataa oo laga amaahsan karaa buuggaag, heeso iyo filimaan 30 luuqaddood ka badan ka kooban. Dadka maktabadda isticmaalla ee Denmark ku soo galay qaxootinimo ama qaab soohaajireennimo waxa ay maktabadda xaafaddooda ku taal ka amaahsan karaan buuggaag iyo waxyaabo kale oo ku qoran luuqaddooda, maktabaddaas oo ka dalbaneysa SBCI. Dadka caadiga ah si toos ah wax ugama amaahsan karaan SBCI, laakiin waxa uu qofku la xiriirayaa maktabadda xaafaddiisa.

Waxa aad akhrisan kartaa talobixin ku qoran luuqaddo badan oo ku saabsan sidii buuggaag iwm aad uga dalban lahayd bibliotek.dk adiga oo sii maraya maktabadda xaafaddaada.

Ma xiiseyneysaa in laguu soo diro sms, marka maktabadda soo gaaraan buuggaag , heeso iyo filimaan cusub oo luuqaddaada ah, markaa isku qor liistada emailka.

SBCI waxa ay si firfircoon uga qeyb qaadataa in meello casharka ardeyda laga caawiyo laga sameeyo maktabadda xaafaddada iyo in ay kuugu deeqeyso bog internet oo warbixin luuqaddo badan ku qoran yihiin, oo uu ugu muhiimsan yahay boggan finfo.fk.

 

brochure2011

Buugyaraha BiblioteksCenter for Integration oo af deenish ah

Dalbo nuqullo bilaash ah

Ama qaado (download)
SBCIbrochureUK Buugyaraha BiblioteksCenter for Integration oo af ingiriisi ah

Dalbo nuqullo bilaash ah

Ama qaado (download)

 

Links