20.12. 2012
Vi kan ikke længere garantere for at oplysningerne på www.finfo.dk er
opdaterede og retvisende.
Redaktionen
redaktionen@finfo.dk
_____________________________________________
FINFO - War loogu talagalay qolooyinka yaryar ee Dhenmaarig
Danta wayn ee FINFO waa in qolooyinka laga tira badan yahay ee Dhenmaarig deggan si fiican looga haqabtiro wararka la xidhiidha xuquuqda, waajibaadka iyo fursadaha ay leehiin. Helidda wararkaas oo lama huraan u ah la qabsiga bulshada Dheenishka islamarkana dhiirrigelinaya ka qaybqaadashada dhammaan heerarka nololbulsheedka.
FINFO waa borogaraam ay wadajir isaga kaashadaan rugkutubeedka doolka (BiblioteksCenter for Integration), rugkutubeedyada dhexe iyo kuwa dadwaynuhu. Kuwaas oo dhisa joogtana u horumariya bog intarnatka ah oo laga heli karo:
Wararka dalka, warar guud iyo gacammo: la xidhiidha xuquuqda, waajibaadka iyo fursadaha ay Dhenmaarig ku leeyihiin qolooyinka laga tira badan yahay, hadday tahay suuqa shaqada, waxbarashada, gargaarka bulshada, talasiinta, dhaqanka iyo hiwaayadda, arrimaha siyaasadda iyo ururrada iyo jimciyadaha. FINFO waxay ku hawllan tahay inay wararka boggan ku soo bandhigto 11 af oo kala ah: Deenishka, Albaaniyaan, Carabiga, Boosniga/Kuruweeshiga/Seerbiga, Ingiriiska, Faarisiga, Ruushiyaan, Soomaaliga, Turkiga, Urduuga iyo Fiitnaamayska. Waxa kale oo FINFO hay’adaha iyo ururada ku dhiirrigelinaysaa inay wararka khuseeya qolooyinka laga tira badan yahay soo geliyaan meelaha loogu talagalay ee boggan.
Wararka gobollada, kuwa degmooyinka iyo gacammo: ka sokow arrimaha kor ku xusan khuseeya warar hoose oo la xidhiidha degaan gaar ah, sida hawlaha ay fuliyaan guddiyada qalabixintu. Wararka gobollada iyo kuwa degmooyinka ay soo bandhigayso FINFO waxa soo gudbiya oo tifatira rugkutubeedyada gobollada iyo degmooyinka.
Tusmada gacanka adduunwaynaha: waa irrid laga geli karo wararka khuseeya dalalka, ummadaha isku afka ah iyo qaaradaha.
Sanduuqa saabaanka (værktøjkasse): waa jidbixiye laga heli karo kaalmo la xidhiidha alifbeetooyinka iyo faraha kala duwan ee loo adeegsado intarnatka. Sanduuqa saabaanku wuxuu ka kooban yahay gacammo ku aroora bogag laga qaadan karo borogaraamada iyo noocyada faraha la rabo.
Xiriir:
Haddii aad qabtid wax su’aal ah, aad faallo ama fikrad ku kordhineyso FINFO, waxa aad la soo xiriiri kartaa daabacaadda oo leh emailka redaktionen@finfo.dk. Haddii aad tahay diyaariye iyo isku-dubaride joornaal oo markaa qabtid su’aal la xiriirta farsammo ama waxa qoraalku ka kooban yahay waxa aad markaas la xiriiri kartaa miiska caawinta oo leh emailka helpdesk@finfo.dk ama waxa aad soo garaacdaa teleefonka 44 73 46 20 ama 44 73 46 23 maalmaha isniin illaa jimce inta u dhaxeysa 13–15.
Haddii aad xiiseyneysid inaad wadashaqeyn nala sameyso, waxa aad la soo xiriirtaa mashruuc maamule Nicola Ravden oo leh emailka nr@statsbiblioteket.dk.
DISCLAIMER
FINFO web site is operated by the Danish Library Centre for Integration, a branch of the Danish State and University Library.
The objective of FINFO web site is to facilitate access to information for the multilingual community in Denmark.
FINFO makes every effort to present updated and correct information. Proved errors will be corrected, if possible.
Although the provider makes every effort to present an accurate and virus free web site, it is supplied without any express or implied warranty.
This web site is provided 'AS IS'.
FINFO does not and cannot monitor or control the content or availability of information accessed using this web site and shall not be held responsible in any way for any such content or information.
FINFO is not responsible for the content of any web site linked to this web site. Linked sites are not affiliated with, endorsed or sponsored by FINFO unless expressly stated to the contrary.
Users are strongly advised to make their own independent research, and the information should never be regarded as professional counselling or advice.
In case you are in need of specific counselling, you should always obtain professional advice in the particular field before relying upon any information whatsoever found at this web site.
All trade marks, logos and other marks shown at this web site are the property of their respective owners.